4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2013
Isbedel dhinaca Amniga ah oo ka jira Magaalada kaddib howlgal ay Fuliyeen Ciidamada Maamulka iyo kuwa AMISOM

Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan todobaadydii aynu soo dhaafnay waxaa ka soconayay howlgal adag oo ay si wada jir ah u fullinayeen ciidamo si gaar ah arintaa loogu tababaray iyo kuwa midowgga Africa AMISOM oo guri-guri u baarayay inta badan xaafaddaha magaalada.

Howlgalka oo sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada maamulka iyo AMISOM ujeedada laga lahaa aheyd in lagu xaqiijiyo amniga gudaha magaalada Baladweyne, ayaa la oran karaa ilaa iyo xad waa mid miro dhalay, waxaana ka muuqanaya magaalada isbadal dhinaca amniga.

Xiliyada habeenkii waxaa lagu arkayaa xaafaddaha ciidamo ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo ilaalo gaar ah ka haya, gaar ahaan ciidamada ayaa si gaar ah ula socda dhaq dhaqaaqa dadka iyo gadiidka jidadka soo galla magaalada oo sida ay HOL u sheegeen saraakiisha muhiim u ah la socoshada xaalada amnaanka, iyadoo laga hor tagayo weeraro ay ka geystaan magaalada xoogagga Al-shabaab.

Ganacsatada tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay bilaawdeen howlgalada ciidamada iskaashanaya  waxaa ay ku dhiiradeen in xiliyada habeenkii ay si caadi ah uga shaqeystaan mehradahooda gaar ahaan bartamaha magaalada oo ilaa fiidka hore aad ku arki karto ganacsiga oo si toos ah u shaqeynaya.

Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidamada jabuuti ee AMISOM ayaa HOL u sheegay in mudadii ay magaalada joogeen xoogga saareen dhismaha tayada ciidamada maamulka gobollka oo sida uu hadalka u dhigay ugu danbeytii ku guuleystay in ay hantaan sugida amniga iyo xaqiinta nabad-galyada magaalada.

"Waad aragtaa rajadii iyo kalsoonadii shacabka waa taa soo noqotay, maxaa yeellay waxaa muuqaneysa in bulshada ku kalsoonaatay ciidamada oo loo arkayo kuwaku fillan oo wad badan ka badalli kar nabad-galyada,''' ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Taliyaha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan Col Tawane Axmed Gurey oo sidoo kale ka hadllay howlgalada socda iyo isbadalka dhinaca nabad-galyada ah oo ay dadku dareemayaan, ayaa sheegay in qorshayaal cad maamulku u dajiyay wax ka qabashada amniga, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay gacan siiyaan ciidamada howlgalka ku jira.

''Wax laga cabsadaa ma jiraan, annaga ma ogolaan doono in shacabka la dhibaatooyo, xitaa haddii ay dhibaataasi tahay mid ciidamada maamulka uga imaneysa, taalaabo cad ayaan ka qaadeynaa,'' ayuu yiri Col Tawane.

Arinta sare u sii qaaday kalsoonida shacabka ku dhaqan magaalada ayaa la oran karaa waa iyadoo aan magaaalada lagu dhax arki karin cid aan ciidamada ka tirsaneyd ama wadan dareyska ciidamada oo qori ku dhax sidata.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo ayaa dhawaan mar uu la hadllayay ciidamada maamulka gobollka waxaa uu sheegay in aan la aqbli doonin askari aan laheyn kaar aqoosi ah in uu hub ku dhax qaato magaalada, isaga oo intaa ku darray in askariga lagu hello arintaa iyada ah loo aqoosan doono qof khatar ku ah amnaanka.

Marka aad la sheekeysato dadka shacabka waxaa ay kuu sheegayaan in ay u baahan yihiin amni ay ku fushan karaan howl-maalmeedkooda caadiga, iyaga oo siweyn u soo dhaweeyay taalabada ay qaadeen ciidamada maamulka iyo kuwa midowgga Africa AMISOM.

Isbadalkan ka jira magaalada Baladweyne ayaa marka aad u sii fiirsado la oran karaa waa mid ku yimid dadaal dheeraad ah oo ay ku bixiyeen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM oo wax badan xoogga saaray sare u qaadista aqoonta ciidamada maamulka gobollka iyaga oo dhinaca kale gacan ka hellaya maamulka gobollka Hiiraan oo ku garab istaagay sidii loo mideyn lahaa ciidamada.

Dhawaan ayeey aheyd markii uu maamulka gobollka Hiiraan lacago gunno ah u qeybiyay in ka badan 600 oo askari oo ka tirsan ciidamada maamulka gobollka, taasoo xitaa la oran karo waa mid sare u qaaday mooralka iyo nidayada ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya