4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2013
Mudaharaad Rabshado Wata oo khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer

Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday, midkana wuu ku dhaawacmay mudaharaad rabshado wata oo maanta ka dhacay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

Mudaharaadkan ayaa ka bilaabmay gadood ay sameeyeen Gaadiidka isku rogooyinka loo yaqaan oo loo diiday inay camuud ka qaadaan dooxyadda magaaladda Burco dhexmara, waxaana arrintaasi ka soo horjeestay Dirawaliinta gaadiidkaasi, waxaanay cabasho la hor tageen xafiiska maayarka magaladda, haseyeeshee waxa isku dayey inay dadkaasi xoog ku kala kaxeeyeen ciidanka gaarka u tobabaran ee loo yaqaan RRU, kuwaas oo rasaas ay rideen ku dhacay hal qof oo makhaayad iska fadhiyey, taasina waxay ka cadhaysiisay dadweynihii magaaladda.

Mudahaaradan oo guud ahaan magaaladda ku fiday ayaa waxa la sheegay inay dadweynihii gadoodsana ay jajabiyeen gaadiid iyo hanti badan oo goobahaasi ka ag dhowaa, waxaana saacado badan is caydhsanayey dadweynahaaasi iyo ciidanka.

Ilaa hadda lama shaacin khasaarha dhabta ah ee dad iyo duunyaba soo gaadhay, haseyeeshee waxa la sheegay inuu mudaharaadkaasi khasare badan soo gaadhsiiyey magaaladda, hal qofna ku geeriyooday midkalana ku dhaawacmay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland