4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2013
Diyaaradda Air Uganda oo Qorsheynaysa in ay Duullimaadyo Caalami ah ku Timaaddo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho


Axad, May 12, 2013 (HOL) — Shirkadda diyaaradaha Air Uganda ayaa lagu wadaa inay diyaaradaheedu ku yimaadaan Muqdisho duulimaadyo caalami, iyadoo noqonaysa diyaaraddii labaad oo caalami ah oo magaalada Muqdisho ku timaadda duulimaadyo caalami ah, marka laga reebo Turkish Airlines.

Duulimaadkaan rasmiga ah ee Air Uganda ayaa lagu wadaa inay billowdaan bisha July ee sannadkan, iyadoo la ogyahay in ciidammo ka tirsan Uganda ay ku sugan yihiin Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

“Waxaa nagala shaqeeyay Qaramada Midoobay, xukuumadda Somalia sidii loo xaqiijin lahaa inay jirto nabadgalyo lagu sameyn karo duulimaadyo. Runtii mar hore ayaan tijaabo ku sameynay duulimaadyada Muqdisho, mana jiraan wax khatar ah,” ayuu yiri madaxa shirkadda diyaaradaha Air Uganda, Cornwell Muleya.

Muleya ayaa sheegay in Axadda maanta ah lagu wado inay diyaaraddii saddexaad oo tijaabo ah ay ka duusho garoonk diyaaradaha ee Entebbe ee dalka Uganda taasoo wadda shixnado xamuul ah.

Sannadkii lasoo dhaafay ayaya diyaaradda Turkish Airlines waxay Muqdisho ka billowday duulimaadyo caalami ah, iyadoo noqotay diyaaraddii ugu horreysay oo muddo 20-sano kaddib ah duulimaadyo caalami ah ku timaadda magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

“Duulimaadyada si xowli ah ay sare ugu kaceen 6%, balse hoos u dhac ayaa laga dareemayaa meelaha gobollada Qaaradda qaarkood, balse waxaan arkaynaa in labadii xilli ee ugu dambeeyay uu Afrika ka jiro sare u kac dhinaca duulimaadyada ah,” ayuu yiri Muleya.

Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa sare u socday kororka diyaaradaha ka soo dagaya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo ay imaanayaan dad badan oo ganacsato ah iyo qurbo-joog dib ugu soo laabanayo dalkooda, taas oo ah midda ay beegsanayaan diyaaradaha caalamiga ah ee dalka imaanaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya