4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2013
Sarkaal ka tirsan Booliiska Kenya oo lagu dilay Weerar lagu qaaday Saldhig Booliis oo ku yaalla Degmada Mandheera

Axad, May 12, 2013 (HOL) — Sarkaal booliis ah ayaa lagu dilay degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, mid kalena dhaawac ayaa loo geystay; kaddib markii ruux hubeysan uu weerar ku qaaday saldhigga degmadaas oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarkan oo dhacay xalay ayaa waxaa fuliyay ruux la sheegay inuu dabiga saldhigga ka booday, kaasoo rasaas aan loo aabbo-yeerin ku furay askartii halkaas ku sugnaa, iyadoo ruuxa weerarka qaaday uu baxsaday.

“Markiiba waxaa meesha ku dhintay sarkaal, dhowr kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri sakaal ka tirsan booliiska dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta dalkaas.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Charlton Mureithi ayaa xaqiijiyay in weerarkan uu dhacay, balse wuxuu sheegay in weerarka lagu dilay sarkaal mid kalena lagu dhaawacay, kaasoo haatan ku jiray isbitaalka degmada Mandheera.

Weerarkan ayaa wuxuu dhacay saacado kaddib markii madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto uu ku dhawaaqay in ciidammo ka tirsan milateriga Kenya la geeyo degmadaas si ay uga hortagaan rabshado beeleed halkaas ka jira.

Ciidamadan ayaa loogu talogalay inay hub ka dhigis ku sameeyaan dadka ku nool degmada Mandheera oo ay rabshado soo laalaabtay ka dhaceen, taasoo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

“Sababta ciidamada milateriga ah loo keentay Mandheera waa inay wax ka qabtaan ammaanka, waayo ciidamada booliiska wax way ka qaban waayeen dhibaatooyinka dhacaya,” ayuu yiri Ruto. Isagoo intaas ku daray in sidaas oo kale ciidammo milateri ah loo geyn doono degmooyinka Gaarisa iyo Wajeer oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

“Dowladdu waxay horay u ballanqaaday inay wax ka qabanayso ammaan-darrada ka jirta gobolka Waqooyi-bari Kenya. Sidaa daraadeed ayaan ugu dirtay habeenkii Jimcuhu soo galay ciidammo milateri ah Mandheera oo ka mid ah deegmooyinka gobolka,” ayuu mar kale yiri Ruto.

Dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Raamo oo ka tirsan Mandheera ayaa waxaa ku dhintay sideed qof sida ay sheegtay dowladda Kenya, waxaana ku dhaawacmay 20-qof oo kale, iyadoo lagu guuleystay in dagaal beeleedkaas la joojiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya