4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2013
Aqoon is-weydaarsi la xiriira Baad-doonka Nabadda oo ka Socda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool (SAWIRRO)


Axad, May 12, 2013 (HOL) — Aqoon is-weydaarsi la xiriira xalinta khilaafaadka iyo kobcinta nabada oo ay ka qayb-qaadanayaan qaar ka mid ah culummada diinta iyo madaxda dhaqanka ayaa lagu qabtay Magaaladda Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Aqoon is-weydaarsigan oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka wadaniga ah ee Xaqsoor ayaa socon doona laba maalmood iyadoo lagu lafa-guri doono xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda ah sida uu sheegay masuulka ururka Xaqsoor Cali Cartan.

Madaxa xafiiska ururka ee gobolka Sool, Carab Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa isaguna ka warbixiyay qaabka la doonayo inay culummada iyo odayaasha dhaqanku iskula jaan-qaadaan si khilaafaadyada bulshada dhexdeeda ah loo xalliyo.

Ugu dambeyn, waxaa aqoon is-weydaarsigan furay guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Faarax Aadan oo ka codsaday labada qaybood ee kulankan ka qayb-qaadanaya sidii ay ugu gudbi lahaayeen waxqabad oo dhibaatooyin uu sheegay inay gobolka ka jiraan wax uga qaban lahaayeen.

Aqoon is-weydaarsigan ayaan guud ahaan looga arkaa gobolka Sool mid macna badan ku fadhiya ama mira-dhal noqon kara; iyadoo uusan jirin xiriir u dhexeeya madaxdii dhaqanka marka laga reebo dhawr caaqil oo loogu talo-galay inay wax ka qabtaan deggaanno xiisado duuqoobay iyo kuwo haatan cusubiba ay ka taagan yihiin.



Seynab C. Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool