4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2013
Shirkii Wada-tashiga ee AMISOM iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee London oo la soo gabagabeeyey (SAWIRO)


Sabti, May 11, 2013(HOL)—Waxaa maalintii labaad ka socda xarunta International Coffee Organization shir looga hadlayo hawlaha ay AMISOM ka waddo Soomaaliya iyo sida ay qurbo-joogta soomaaliyeed uga faa'ideysan karaan fursadaha shaqo iyo sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen.

 

Soo dhaweyntii qabanqaabiyaasha kaddib, waxaa si wanaagsan u sharraxay baahida dalka iyo dawladaba Nafisa Geeddi Santuur, iyadoo qeexday sida ugu habboon ee loo abuuri karo hawlaha dowladeed iyo hawlwadeeno karti leh.

 

Nafiso Geeddi Santuur waxay aad u dul istaagtay sida loogu baahan yahay in qurbajoogta gaar ahaan dhallinyaradu uga faa'ideysan lahaayeen mashruucan.

 

Waxaa isna halkaa ka hadlay Mr. Frantz Celestin oo ka socday IOM oo soo bandhigay mashruuca Quest MIDA ee qurbo-joogta soomaaliyeed dib loogu celinayo Soomaaliya si ay ula shaqeeyaan hay'adaha kala duwan. Wuxuu sharraxay sida ay u shaqaaleeyaan qurbo-joogta iyo shuruudaha ku xiran ruuxii shaqadaas doonaya.

 

Waxaa isna ka hadlay Mr. Amadu Kamara oo ka socay UNSOA oo isna ka hadlay fursadaha shaqo oo ay UN-tu siiso qurba joogta soomaaliyeed oo ay u aragto in ay tahay mid aad muhiim u ah. Waxaa su'aalo la weydiiyey xubnahaas, iyadoo laga dooday tusaalooyin badanna halkaa laga soo jeediyey.

 

Waxaa ugu dambeyntii shirka soo xiray wakiilka xoghayaha gaar ah ee midowga Afrika ahna madaxa AMISOM Mahamat Saleh Annadif oo u mahadnaqay ka soo qeyb galayaashii shirka kuna booriyey  qurba joogta in ay qayb-ka qaataan dib u dhiska Soomaaliya.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay AMISOM shir noocaan oo kale ah u qabato Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa. James Gadin oo ah madaxa qabanqaabiyaha kulankan ayaa u xaqiijiyey HOL in uu shirkaan mid la mid ah ay AMISOM u qabandoonto Soomaalida ku nool dalka dibadiisa.















Axmed Gure, Hiiraan Online

[email protected]

London, UK