4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2013
Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya, Jeneneraal Saacid oo si Rasmi ah ula Wareegay Xilkiisa (SAWIRRO)


Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Somalia Jen. C/kariin Daahir Siciid (Saacid) oo toddobaad ka hor loo magacaabay xilkan ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay xilkiisa, waxaana xafladdii lagu wareejinayay xilka ka qaybgalay ra’iisal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiya maxkamadda sare, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf iyo wasiirka arrimaha guddaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed.

“Hoggaanka cusub ee aanu u magacownay ciidamada difaaca iyo ammaanka dalku wuxuu qayb weyn ka yahay dadaalka aan ugu jirno sugidda amniga iyo isbedelka cusub ee aan ku doonaynno inaan si buuxda ugu xasilinno dalka,” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha oo hadal kooban ka jeediyay xafladdii xil-wareejinta oo ka dhacday dugsiga tababarka booliiska ee Jen. Kaahiye loona yaqaano (Scuola Polizia).

Jen. Sharif Shiikhunaa Maye ayaa labo sano ahaa taliyaha ciidanka booliiska, waxaana lagu amaanay inuu qeyb weyn ka qaatay dib-u-dhiska ciidanka oo muddadii uu taliyaha ahaa saddex jibaaray tirada ciidanka booliiska Somalia. Taliyaha oo munaasabaddii maanta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay qorshe sare loogu qaadayo tayada iyo tirada ciidanka si loo gaarsiiyo howlaha ciidanka dalka oo dhan.

“Waxaan soo dhaweynayaa taliyaha cusub ee ciidanka booliiska, waxaana u rajeynayaa in Illaahay u fududeeyo xilka weyn ee uu qaaday. Waxaan kula dar-daarmayaa inuu u hawlgallo kordhinta tirada ciidanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayadooda,” ayuu yiri Jen. Maye oo ku amaanay ciidanka sida ay naftooda ugu huraan sugidda ammaanka dalka iyo difaaca xuquuda shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa mahad gooni ah u soo jeediyay taliyihii hore ee booliiska Jen. Shariif Shiikhuna isagoo ku ammaanay wada-shaqeyntii ay lahaayeen lixdii bilood ee lasoo dhaafay. Waxayna ra’iisal wasaaraha iyowasiirku goobtaas billad Sharaf ku guddoonsiiyeen Jen. Maye.



Jen. Saacid ayaa ah taliyihii 10-aad ee qabta jagada ugu sarreeysa ciidanka booliiska Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay 1943-kii oo ahaa xiliggii uu dalku gumaysiga ku jiray. Waxaana goobta xil-wareejinta laga xusay in Jen. Saacid abaahii Daahir uu waqti dheer u soo shaqeeyay ciidanka booliiska Soomaaliyeed. Halka uu isna yaraan ku galay shaqada ciidanka illaa uu ka qabto hoggaanka ugu sarreeya ciidanka.

“Waxaan mudnaanta kowaad siinayaa daryeelka ciidanka iyo cadaalad inaan u sameeyo. Askariga aan ku aaminayno mas’uuliyada illaalinta sharciga iyo amniga waa inuu xaqiisa helo, si aan uga guul-gaarno la dagaalanka musuq-maasuqa iyo dambiyada abaabulan, una difaacno xuquuqda shacbigeenna,” ayuu yiri Jen. Saacid oo munaasabadda ka hadlay.

Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa hadalkii uu ka jeediyay munaasabadda xil-wareejinta wuxuu ku xusay taariikhda dheer ee ciidanka booliiska Somalia, iyo sida ay laf-dhabar ugu ahaayeen nidaamka dawligaa ee Soomaaliya. Isagoo sheegay inay lagama maar-maan tahay inay kaalintaas buuxiyaan sida ugu dhaqsaha badan.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay taliyaha cuusb ee ciidanka booliiska Soomaaliya inuu ka yimaado qorshe dhamaystiran oo lagu illaalinayo sharciga dalka, amniga iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya