3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2013
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada Somaliland oo Shaacisay In ay iyadu Ogolaatay Lambarrada cusub ee Telesom

Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Wsaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa sheegtay inay ogolaatay lambaradda fureyaasha cusub ee shirkadda TELESOM ku soo kordhisay Mobile-keeda gacanta.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Mudane Xasan Cumar Hoorri, ayaa sharaxaad ka bixiyey fureyaasha cusub ee ay soo kordhisay shirkadda TELESOM.

“08-dii May 2013, shirkadda Isgaadhsiinta Telesom waxay lambaradeedii ku soo kordhisay Tirsiga 063 taas oo keentay in la isweydiiyo lambarka cusub inkastoo shirkaddu in muddo ah dadweynaha ku wacyigelinaysay isbedelkan soo kordhay”ayaalagu yidhi war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay agaaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo boosaha Somaliland Xasan Cumar Hoori, waxaanu intaas ku daray. “Haddaba waxaa Wasaaradda xaq loogu leeyahay in ay bulshada u iftiimayso lambarkan soo kordhay iyo in ay dadweynaha ka wacyigeliso wax kastoo la xidhiidha isgaadhsiinta dalka. Sida aan ka warqabno, Ururka Caalamiga ee GSM waxaa uu lamabar 06 u qondeeyay telifoonada mobilka ee Somaaliland iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ee Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ay saami u heshay lambarka 061. Shirkadda Gollis ee maamulka Punland iyaduna waxaa ay qaadatay lambarka 062 halka shirkadaha Somaliland iyaguna ay kala qaateen Telesom 063, Telecom 065, iyo Nationlink 067 iyo 068.

Illaa hadda dalkennna waxaa laga isticmaala furaha dal (country Code) 252 kaas oo aan la wadaagno Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa innoo kala soocan furayaasha degaamada. Sidaa darteed, waxaannu halka ku qeexaynaa lambarka cusub ee 063 inuu gaar u yahay dalkeenna iyo Shirkadda Telesom ee Somaliland. Lambarku ma aha mid aan la wadaagno Xamar kamana duwanaa qorshayaashii hore ee lagu maamuli jiray lambarada dalka.

Haddaba iyadoo isla arrinkan ay hore warbaahinta uga la hadleen wasiirka iyo madaxda wasaaradda, mar labaad waxaan halka ka caddeynaynaa in wasaaraddu oggolaatay adeegsiga lambarada cusub ee 063, isla markaana aanu waxba u dhimmayn Qarannimada Somaliland, taasoo dhammaanteen aanu wada taagan nahay difaaceeda iyo horumarinteeda.

Isagoo hadalka sii wata ayuu yiri: “Wasaaraddu waxay hore ugu baaqday in shirkadaha isgaadhsiintu shir muhiim ah isugu yimadaan Xafiiska Agaasimaha Guud, 10.00 subaxnimo, maalinta Arbacada, 15ka May si looga wada hadlo qorshaynta lambarada qaran iyo wax kasta ka hor in laga wada hawl galo sida ugu dhow ee dalku ku heli karo Fure Dal oo gaar u ah Somaaliland. Waxaannu ku rajo weyn nahay in xukuumadda, shirkadaha isgaadhsiinta, ganacsatada iyo aqoonyahanku gacan naga siin doonaan sidii loo xaqiijin lahaa arrinkaa oo leh mudnaanta kowaad ee dalka. Allaa Mahad Leh.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
5/11/2013 4:33 PM EST
Sabti, May 11, 2013(HOL)—Waxaa maalintii labaad ka socda xarunta International Coffee Organization shir looga hadlayo hawlaha ay AMISOM ka waddo Soomaaliya iyo sida ay qurba joogta soomaaliyeed uga faa,ideysan karaan fursadaha shaqo iyo sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen.

5/11/2013 2:27 PM EST
Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu qabtay dood aad u xiisa badneyd ee lagu falanqeynayey arrimaha la xiriira Federalka Soomaaliya. Doodaada ayaa waxaa ka qayb-galay: Prof. Axmed I Samatar, Dr. Abdinur Sheekh Mohamed iyo Dr. Hodan Ciise

5/11/2013 12:21 PM EST
Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Xarunta SWDC (Somali Women Developments Center ayaa waxay maanta ku wareejisay deeq isugu jirta qalab waxbarasho iyo mid caafimaad ku wareejisay maanta oo Sabti ah wasaarada adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, waxaa deeqdan ay ka mid timid dadka Mareykanka, taasoo ay ugu talogaleen inay ku caawiyaan Soomaaliya.

5/11/2013 8:49 AM EST
Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Somalia Jen. C/kariin Daahir Siciid (Saacid) oo toddobaad ka hor loo magacaabay xilkan ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay xilkiisa, waxaana xafladdii lagu wareejinayay xilka ka qaybgalay ra’iisal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiya maxkamadda sare, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf iyo wasiirka arrimaha guddaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed.

5/11/2013 8:34 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Hay’adda UN-OCHA oo isku-dubaridka gargaarka bani’aadamnimo u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in daad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Koonfurta Soomaaliya ay dileen toddoba caruur ah, 50,000 oo kalena ku qasbay inay guryahooda ka barakaac, sidoo kalena ay u baaba’een daadadkaas 6,400 oo hektar oo dhul-beereed ah.

5/11/2013 2:26 AM EST
Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Gaadiidleyda ka shaqeysa degmooyinka gobolka Shabeellada Hoose ayaa saakay ku dhaqaaqay shaqo-joojin, kaddib markii ay sheegeen in isbaarooyin fara badan lasoo dhigtay waddooyinka isku xira degmooyinka gobolka.

5/11/2013 2:04 AM EST
Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia iyo laba qof oo rayid ah ayaa xalay ku dhintay xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, kaddib shaqaaqooyin is-daba socday oo xaafaddaas ka dhacay.

5/11/2013 2:01 AM EST
Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya laba beelood oo shalay ka dhacay deegaanka Raamo oo ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya.