4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2013
Haweeney Sidata Waxyaabaha Qarxa oo lagu Qabtay Magaalada Kismaayo iyo Garoonka Diyaaradaha oo la duqeeyay

Arbaco, 1 May, 2013(HOL) :- Ciidamada Kenya ee ilaalada ka haya xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ah halka ay ku suganyihiin qaar kamid ah ergada ka qeybqaadaneeysa shirka maamul u sameynta Jubbaland ayaa waxaa maanta lagu qabtay haweeney la sheegay in ay sidatay walxaha qarxa.

Haweeneydani oo la sheegay in ay kamid ahayd haweenka raashiinka u kariya ergada ku sugan xarunta Jaamacadda ayaa la sheegay in waxyaalaha qarxa ay kusoo dhex qarisay alaab ay sidatay, waxaana gacanta ku dhigay ilaalada ku sugan illinka hore ee Jaamacadda.

Afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in haweeneydani ay dooneysay in ay waxyaalaha qarxa la gasho gudaha xarunta Jaamacadda balse ay gacanta ku dhigeen ilaalada ku sugan illinka hore ee laga galo xaruntaasi.

Waa markii ugu horeeysay oo ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay gacanta ku dhigaan ruux doonaya in uu walxaha qarxa la galo gudaha xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay ku suganyihiin qaar katirsan ergada ka qeybqaadaneeysa shirka la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo Jubooyinka.

Dhinaca kale dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ayaa maanta gelinkii danbe weerar madaafiic ah kusoo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Weerarkani oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hub culculus iyo madaafiic laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo ayaan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Kismaayo oo arintaasi ka hadlay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya