4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2013
Koox dadka Tahriibiya oo la Xukumay iyo Nidaam Cusub oo Muqalasiinta ay u Tabriibayaan Dhallinyaradda Somaliland

Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Maxkamadda Degmadda Gabiley ayaa toddobaadkan magaaladda Wajaale ee xuduudda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya ku xukuntay rag lagu eedeeyey inay tahriibiyaan dhalinyarta Somaliland, kuwaas oo lagu soo qabqabtay magaaladaasi.

Eedeesanayaashan ayaa tiradoodu ahayd 13 qof, kuwaas oo la sheegay inay yihiin koox isku xidhan oo dhalinyaro aad u yaryar dalka ka Tahriibisa, isla markaana ay lacag ka qaataan, waxaanay kooxdaasi lagu xukumay lix bilood ilaa saddex bilood oo xadhig ah.

Garsoore C/kariim Cumar  Cabdi oo ka Mid ah garsoorayaashii xukumay eedeysanayaashaasi, ayaa HOL u sheegay inay dambigaasi qirteen, isla markaana hortoodda lagu soo cadeeyey inay arrintaasi ku shaqaystaan.

Arrintan ayaa waxa muddo baadhayey Ciidamadda laanta socdaalka Somaliland, kuwaas oo ku daba jiray qaababka ay isticmaalaan ragan u fududaynayey, isla markaana usoo gudbiyey maxkamadda degmadda Gabiley.

Garsoore C/kariim Cumar ayaa sheegay in ragan qaarkood hore loo xukumay qaar kalana markii waxba lagu cadayn kari waayey la iska siidaayey, haseyeeshee ragan la xukumay ay maxkamadda horteedda ka qirteen inay ka shaqaystaan tahriibinta dadka.

Si kastaba ha ahaatee, dadka dadka tahriibiya (mukhalasiyiinta), ayaa imika isticmaalo nidaamyo ku cusub qaabka dadka loo kaxeeyo, waxaanay inta badan arrinta tahriibka ah u soo bandhigaan dhalinyaradda yaryar ee ciyaal iskuul ah kuwaas oo ay kharashka ka sii bixiyaan ilaa suudaan oo muxawil ku sii qaadaan, ka dibna marka  ay waalikood ka fogaadaan lala soo hadalsiiyo waalidkoodii dhalay si ay lacag ugu soo diraan caruurtooda si kharashka ku baxay iyo inta u hadhsanba ugu soo diraan, ka dibna ay lacagtii ay ku soo kaxeeyaan ka qaataan, sidaa darteedna waalidku wuu ku qasban yahay inuu ilmihiisa la tahriibiyey lacagta uu doonayo usoo diraan.

Sidoo kale dhibyaraantaasi loo kaxeeyey waxay sababtay inay dhalinyaro kale oo badani ay ku hiyi kacaan, waxanay dhalinyartaasi u badan yihiin dhalinyaro yaryar oo da’doodu u dhexeyso 15 jir ilaa 18 jir.

“Dadkan dadka tahriibiya ayaa waxay imika kaxaystaan caruur aad u yaryar kuwaas oo ay u sheegaan inay si dhibyar u gaynayaan Liibiyaa, isla markaana aanay kharash ka qaadayn illaa inta ay gaynayaan Liibiya, kadib marka ay kaxaystaan ee Suudaan ama Addis ababa ama Liibiya marayaan ayey waalidkiii dhalay la soo hadalsiiyaan, una sheegaan inuu wiilkoodii tahriibay meel heblaayana marayo isla markaan lacag usoo diraan”ayuu yidhi Maxamed Xirsi oo ka waramayey qaabka cusub ee dadka loo tahriibiyo, isla markaana lacag looga sameeyo dhalinyarada ay markaasi u arkayaan inay lacag ka helayaan, waxaanu intaas ku daray “ ilaa Liibiya waxa ku baxa saddex kun iyo shan boqol oo doolar, Doontana waa kun dollar, waxaana imika Suudaan iyo Liibiya oo saxaro adag ahaa ka shaqaysta baabuur loo iibsaday dadkaasi tahriibiya, isla markaan si dhibyar loo dhaafiyo saxaraha”.

Tahriibintan cusub ee lagu hayo dhalinyarda aadka u yaryar ayaa si weyn looga dareemay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, iyadoo arday badan oo saaxiibo ah ay mareen nidaamkaasi cusub ee tahriibinta ah, waxaana la sheegay inay mukhalasiintaasi fadhiyaan magaalooyin kala duwan oo ah jidka dheer ee ay maraan dadka tahriibiya, haseyeeshee ciidamada amniga ee xuduudaha ayaa lagu amray inay dib usoo celiyaan dhalinyarta loo arko inay tahriibiyaan, taasina waxay keentay in dhalinyaro badan dib loo soo celiyo oo aan loo ogolaan inay xaga xadka u dhaafaan.

Si kastaba ha ahaatee, si weyn ayaa magaalooyinka looga dareemay tahriiibkan casriga ah ee qofka tahriibiya bilaa kharash loo kaxaynayo hadhowna waalidkooda laga samaynayo lacag marka uu ka fogaado reerkoodda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland