4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2013
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo markii ugu horreysay loo qaybiyay lacago gunno ah (DAAWO SAWIRRO)


Arbaco, May, 01, 2013 (HOL)  Munaasabad siweyn loo soo agaasimay laguna qabtay xarunta ciidamada Lama-galaay ee magaalada Baladweyne ayaa maanta mudo 22 sano ah kadib waxaa markii ugu horeysay lacago gunno ah loogu qeybiyay ciidamada xoogga dalka ee maamulka gobollka Hiiraan.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, saraakiisha ciidamada maamulka gobollka iyo AMISOM oo goob joog ka ahaa musaabada  ayaa qeybtii ugu horeysay ciidamada  waxaa maanta loogu qeybiyay  karar aqoonsi ah iyo lacago gunno ah oo sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maamulka gobollka ka baxsan mishaaraadka caadiga ah ee ciidamadu leeyihiin.

Taliyaha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya Col Towane Axmed Gurey oo la hadllayay ciidamada ayaa sheegay in maanta maalin weyn u tahay ciidamada, madaama sida uu sheegay mas'uuliyiinta maamulka gobollka mudo gaaban xilka hayay durbaba bilaabeen in ay  bixiyo xuquuqdii ay ciidamadu lahaayeen.

“Waxaan u maleynayaa maanta ciidamada maalmihii la soo dhaafay waa ay uga duwan tahay, runtiina waxaa fuulay waajiba adag, mar haddii uu maamulku bixinayo xuquuqdii ay lahaayeen, waxaa nagu waajib ah ama askariga ku waajib ah in isagana uu ka soo baxo waajibaadkii lagu lahaa,'' ayuu yiri Col Towane Axmed Gurey.

Taliyaha ciidamada Jabuuti  ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee gobollka Hiiraan Col Cismaan Dubad oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay isbadalka weyn ee ka muuqada ciidamada marka loo eego halkii laga soo billaabay dhismahooda, isaga oo uga mahad celiyay maamulka cusub ee gobollka talaabada ay durbaba qaadeen oo ah in dib u eegis lagu sameeyay xuquuqda ciidamada oo mudo dheer maqneyd.



Guddoomiyaha degmada Baladweyne Cabdi Bishaar Aadan oo la hadllayay ciidamada ayaa ku dhiiri-galiyay ka qeyb-qaadasha difaaca guud ahaan dalka, isaga oo sheegay in ciidamada caawinaya dowladda federaalka Soomaaliya yihiin kuwo waqti kooban joogaya dalka, laakiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed yihiin kuwo looga fadhiyo difaaca dalkooda.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oou hadal u jeediyay ciidamada ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay maanta oo ku beegan maalintii shaqaallaha aduunka 1-bisha May in uu waqti la qaato ciidamada maamulka gobollka Hiiraan  oo sida uu sheegay waqti adag soo shaqeeyay soona maray marxalado iyo daruuf kala duwan.

“Runtii waan ku faraxsanahay in aan maanta halkan wada joogno oo aan arko ciidamo  runtii ay ka go'an tahay in ay u shaqeeyaan dalka iyo dadka, annaga ka maamul ahaan waxaa naga go'an horeyna u ballan-qaadanay in mudnaanta koowaad aan siineyno nabad-galyada, taas macnaheedu waxaa ay tahay in aan xoogga saarno dhismaha ciidamada tayo ahaan iyo mooral ahaan intaba, annaga waxaan ballan-qaadeynaa haddii uu Alle idmo in aynu ka soo baxno waajibaadka na saaran ee ah in aan dhameystirno xuquuqda askarigu leeyahay, askarigana waxaa looga fadhiyaa sidaasoo kale in uu dhiniciisa qaato waajibaadka saaran,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Mar uu soo hadal qaaday guddoomiyahay kaararka aqoosiga ah ee loo qeybiyay ciidamada waxaa uu sheegay in ay tahay arin wax weyn ka tari doonta nabad-galyada, madaama aqoonsigu kan kala saaraya askariga iyo kan doonaya in uu magaca ciidamada dhibaato ku geysto.

“Aqoonsigan aan hadda idin qeybinay waa mid ku-meel-gaar ah ilaa aad ka heli doontaa kii saxda ahaa, kararkan aad hadda qaadateen waxaa ay idinka caawin doonaan in xitaa dhaxdiina aad isku kalsoonaataan oo markiiba aad garan kartaan kan doonaya in uu idinku soo dhax dhunto ee aan ciidamada ka tirsaneyn,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan ayaa sheegay in ay ahmiyad gaar ah siinayaa nabad-galyada, isaga oo ku dhawaaqay in wixii xilligan ka danbeeya ciidamada heegan buuxa ku jiraan, askari kastana laga doonayo in uu diyaar noqdo waqti kasta oo loo baahdo.

“Dadka ku dhaqan gobollka waa dad dowladnimada diyaar u ah haddii ay hellaan mas'uuliyiin iyo ciidamo isku xiran oo si sax ah u shaqeynaya, annaga waxaa naga go'an in aan ka shaqeyno daryeelka ciidamada inta dowladda dhexe naga soo gaareyso,'' ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanayo guuddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Talaabada maanta uu qaaday maamulka dhawaan uun xilka la wareegay ee gobollka Hiiraan ayaa ku soo beegantay xili dhawaan dib u habeyn buuxda lagu sameeyay nidaam-ka daqli ururinta gobollka taasoo sahashay in tiro ciidamo ah hellaan lacago gunno ah oo ka baxsan sida uu guddoomiyaha sheegay mishaarka ciidamada.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya