4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Wafdi u Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Gobolka Gedo

Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u amabaxay magaalada Garbahaarey ee gobolka, iyadoo si weyn loogu diyaar-garoobay soo dhaweyntiisa.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa waxaa lagu wadaa inta ay ku sugan yihiin degmada Garbahaarey inay la kulmaan waxgaradka deegaanka, maamulka gobolka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Booqashadan oo aan la ogeyn inta ay qaadan doonto ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ra’iisul wasaaraha uu shalay booqasho maalin ah ku tagay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo sidoo kale sii maray soona maray degmada Balcad ee isla gobolkaas.

Gobolka Gedo ayaa noqonaya gobolkii saddexaad oo uu ra’iisul waasaaraha Soomaaliya booqasho ku tago muddo toddobaad gudihiis ah, isagoo horay u booqday gobollada Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Wararka laga helayo degmada Garbahaarey ayaa waxay sheegayaan inuu ka socdo diyaargarow xooggan oo lagu soo dhaweynayo ra’iisul wasaaraha, iyadoo la xiray goobaha ganacsiga, sidoo kalena la adkeeyay ammaanka guud ee degmada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu horay u sheegay inuu gobollada dalka oo dhan booqan doono si uu ugu kuurgalo xaaladaha ay dadka ku nool yihiin, sida ay u arkaan maamullada ka taliya iyo weliba xaaladda ammaan ee ka jira gobollada dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa socdaallada uu ra’iisul wasaaruhu ku bixinayo gobollada dalka waxay ku tilmaameen inay caddeyn u tahay sid ay uga go’an tahay xukuumadda Soomaaliya inay dalka isbedel ka dhaliso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya