4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Dadka ku Nool Deegaanno ka mid ah Gobolka Bay oo ka Cabanaya Qaababka ay Hay'adaha ku bixyaan Gargaarka (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Deegaanno hoos yimaada gobolka Bay qaarkood waxay dhaliil u soo jeediyeen hay’adaha samafalka qaarkood sida UNICEF, ICRC, FAO iyo NRC kuwaasoo kawada howlo gargaar deegaannada dhibaatada ka jirto,

Xaaji Cali Aadan oo ah oday si wayn looga yaqaanno deegaannada Dooy iyo Doodaale ayaa sheegay in hay’adahan ay qandaraasyo soo siiyeen hay’ado maxalli ah kuwaasoo ku dhisan qabiil, aadna arkaysid in la musuq-maasuq wixii samafal ahaanta loogu soo dhiibay, sidoo kalena aan aan siin qofkii mudnaa ama ciddii baahida u qabtay.

Sidoo kale, Xaajiga waxuu warfidiyeennada qaarkood u sheegay in NGO-yada badankooda ay yihiin kuwa Nairobi kasoo qaata qandaraaska kaddibna ay ugu takrifalaan  sidii ay doonaan.

“Hay’adaha maxaalliga (NGO-yada) qaarkood waxaa isla leh shaqaalaha hay’adaha u shaqeeya,  waayo waxaad arkeysaa dhismooyin qurax badan oo ay leeyahiin NGO-yada qandaraasyada soo qaata, marka waxaa kuu cad in aysan soo gaarin taakuleynta ciddii loogu talo-galay,” ayuu yiri Xaaji Cali.

Deegaannada Dooy iyo Doodaale waxaad ku arkeysaa ceelal tiro badan oo aan lahayn wax dhismo ah, taasoo keeni karta caafimaad daro, waayo biyo wasaq ah ayaa ceelasha ku noqda, waxaana laga yaabaa in shuban-biyood uu ka dilaaco.

Ugu dambeyn, Xaaji Cali waxuu ka codsaday Hay’adaha Samafalka inay u bixiyaan gargaarka si daacadnimo ay ku jirto, ayna dadaal u galaan in la gaarsiiyo taakuleynta ay bixiyaan dadka u baahan ee ku nool deegaannada kala duwan ee dalku ka kooban yahay.





Hiiraan Online, Baydhabo