4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay qorshe uu ugu kuurgalayo xaaladaha ka jira gobollada dalka, isagoo markiiba kulan la furay maamulka gobolka iyo kan degmada.

Ammaanka degmada Jowhar ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo jidadka degmadaas ciidammo fara badan oo amniga ilaalinaya, iyadoo al xiray dhammaan goobihii ganacsiga.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay degmada Jowhar iyago sii maray degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Dadweyne fara badan ayaa soo sita caleemo qoyan, calanka jamhurriyadda iyo sawirka ra’iisul wasaaraha ayaa Jowhar kusoo dhaweeyay wafdigan, iyadoo jawiga degmada uu si aad ah uga duwan yahay sidii hore.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu durba kulammo la furay maamulka gobolka iyo kan degmada, iyadoo sidoo kale lagu wado in ra’iisul wasaare Saacid iyo wafdigiisu ay la kulmaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Socdaalkan ra’iisul wasaaruhu uu ku tagay degmada Jowhar ayaa waxay ka dhigaysaa kii ugu horreeyay oo mas’uul sare oo dowladda Somaaliya ka tirsan uu ku tago degmada Jowhar, tan iyo markii ay dowladdii Col. C/llaahi Yuusuf ka guurtay halkaas oo ay muddo sannad ah deggenayd.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay kasoo laabtay Degmada Kismaayo oo uu ku tagay safar qaatay saddex maalmood, isagoo kulammo lasoo yeeshay maamulka KMG ah ee degmadaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya