4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Duqa magaalada Ottawa oo Abaalmarin guddoonsiiyey Fartuun Cabdisalaam iyo Soomaalida Ottawa oo Xaflad u qabtay


Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) - Duqa magaalada Ottawa ee dalka Kanada Jim Watson oo ay wehliyaan xubno ka tirsan madaxda degaanada magaalada Ottawa ayaa guddoonsiiyey Fartuun Cabdisalaam Adan abaalmarin ay ku muteysatay howlaha sama-falka oo ay ka waddo magaalada Moqdisho. Xafladdaas oo ay soo abaabuleen hay'adda "City for All Women Initiative" laguna qabtay xaruunta magaalada Ottawa (City Hall) ayaa waxaa ka soo qayb-galay qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan kuwa sida weyn ugu olololeeya xuquuqda dumarka.

Duqa magaalada Ottawa ayaa ku ammaanay Fartuun Cabdisalaam oo ah agaasime ka ah hay'adda Elman Peace and Human Rights howsha geesinimada leh oo ay ka waddo magaalada Moqdisho iyo sida ay ugu doodu xuquuqda dumarka la kufsado oo markii ugu horeysay ay hay'adeedu u sameysay xaruun ay u soo gudbiyaan cabashadooda. "Waxaa tahay hogoomiye qaran oo si weyn ugu dooda xuquuqda dumarka iyo carruurta" ayuu yiri duqa magaalada Ottawa Jim Watson.

Sidoo kale qaybo ka tirsan Soomaalida ku nool magaalada Ottawa ayaa Sabtidii la soo dhaafay xaflad ay ku abaalmarinayaan Fartuun wax-qabadkeeda ku qabtaan Hoolka shirarka ee "Heron Community Centre". Farhiya Cabdi  oo ku hadleysa magaca ururka u dooda xuquuqda durmarka ee "Somali Women Circle Network" soona qabanqabiyey xafladda ayaa ku tilmaamay Fartuun in tahay qof doorweyn ka qaadatay ilaalinta xuquuqda dumarka Soomaaliyeed gaar ahaa dumarka la kufsado.

Fartuun Cabdisalaam  ayaa ka mid noqotay sagaal haween ah oo dowladda Mareykanka ay ku abaalmarisay bisha Maarso 8deedii doorka ay ka qaateen ilaalinta xuquuqda haweenka iyo caruurta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka John Kerry iyo marwo Michelle Obama ayaa Fartuun Cabdisalaam guddoonsiiyey abaalmarin loogu magac daray "2013 international women of courage awards"