4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Arday Tiradoodu tahay 135 oo ka Qalib-jabisay dugsiga Sare Imaamu Shaafici ee Magaalada Boosaaso [SAWIRRO]


Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Xaflad ballaaran oo lagu sagootinayey 135 arday oo ka qalin jebiyey fasalka afraad ee dugsiga sare ayaa shalay galab ka dhacday xarunta dugsiga sare Imaamu Shaafici ee magaalada Boosaaso.

Xafladda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey, waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, Isimmo, aqoonyahan, waalidiin

iyo marti sharaf kale oo badan, waxaana madaxdii joogtey laga xusi karaa Gudoomiyaha waxbarashada ee degmada Boosaaso Cabdilaahi Xasan Abshir Cadami, Hormuudka Jaamacadda Muqdisho Aadan Xerow, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo nabadoon Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (xarago).

Ugu horreyn, waxaa madasha ka hadlay Siciid Axmed Xasan (QAAL) oo ku hadlayey afka ardeyda, wuxuuna  u mahad celiyey kasoo qayb galayaasha, isagoo xusay in ujeedada xafladdu ay tahay sidii ay u muujin lahaayeen farxaddooda ku aadan dhameystirka dugsiga sare.

Maamulaha guud ee dugsiga Imaamu Shaafici, Sheekh Maxamed Faahiye Ciise, oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa isna hanbalyo u jeediyey ardeyda qalin jebisey, wuxuuna dhinaca kale ka sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee uu dugsigu soo maray laga so bilaabo markii la asaasay sanadkiii 1993.

Ardayda ayaa intii ay xafladdu socotey so bandhigay riwaayad ka turjumeysa qiimaha waxbarashada iyo dhibaatooyinka uu maandooriyaha qaadku ku hayo da'yarta Soomaaliyeed, iyagoo ugu danbeyntiina abaalmarino kala duwan guddoonsiiyey macalimiintii muddada dheer wax soo barayey.

Ardaydan oo ah dufcaddii 6-aad ee ka qalin jebisa dugsiga sare ee Imaamu Shaafici, islamarkaana 35 kamid ahi ay gabdho ahaayeen, waxay qayb ka yihiim in ka badan 500 oo arday oo laga soo bilaabo sanadkii 2009 isla dugsigan ka qalin jebiyey.






Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya