4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Kismaayo oo Guuldarro ku dhamaaday


Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Wadahadalladii u dhexeeya xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa guul-darro ku dhammaaday kaddib markii la isku fahmi waayay wadahadallo socday shantii maalmood ee lasoo dhaafay.

Wasiira arrimaha gudaha iyo amaniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo xaaly shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in labada dhinac ay isku mari waayeen qodobbo dastuuri ah oo laga gudbi waayay, isagoo xusay in dhankooda ay tanaasul fara badan sameeyeen.

Guuleed ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in wafdiga xukuumadda Somalia ay ku sugnaayeen degmada Kismaayo shan maalmood, waxaana la kulannay maamulka KMG ah ee Kismaayo iyadoo wadahadallada loo saaray guddiyo farsamo, kuwaasoo ka hadlay arrimo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin:

1.   Maamul Sameynta Jubbooyinka iyo Federaalka
2.   Dekedda iyo Garoonka
3.   Amniga iyo Ciidamada
4.   Dib u heshiisiinta iyo
5.   Dib u xoreynta deegaannada dhiman

“Xukuumaddu waxay aad isugu dayday inay wixii tanaasul ah oo ay sameyn karto ay sameyso, balse waxaa soo baxay qodobbo dastuuri ah oo in laga gudbo ay aad u adkaatay, waayo dastuurka waa midka keliya ee ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay heshiiska ku yihiin,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay rajeynayaan inay wadahadaladu sii socodaan qodobbada la isku hayana loo heli doono xal; iyadoo la dhowrayo dastuurka iyo rabitaanka shacabka iyo dareenkooda.

“Rajada aan qabno in la heshiiyo oo la gaaro wax heshiis lagu yahay aad iyo aad ayay u weyn tahay quusna ma joogno. Xukuumadduna waxay soo saari doontaa warsaxaafadeed ay ku muujinayso go’aankeeda kama dambeysta ah,” ayuu wasiirku hadalkiisa daba-dhigay.

Hadalka wasiirka oo u muuqday mid sagootin ah ayaa wuxuu ku sheegay in ay u mahadcedlinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM oo sugayay ammaanka intii ay Kismaayo ku sugnaayeen iyo sidoo kale shacabka oo aad u soo dhaweeyay.

Wafdigan oo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho, iyagoo booqashadan ay noqnoayso tii ugu dheerayd ee wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay ku tagaan deegaan ka mid ah Soomaaliya.

Dhanka kale, ma jiro hadal kasoo baxay maamulka KMG ah ee Kismaayo oo ku aaddan guul-darrada ku timid wadahadalladii ay la lahaayeen dowladda Soomaaliya ee lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka ku saabsan maamul u sameynta Jubbooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya