4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Xildhibaanno kasoo jeeda Beelaha Digil & Mirifle oo Sharcidarro ku Tilmaamay Maamulka Cusub ee Gobolka Bay (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho Maanta oo Khamiis ah kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen xildhibaanno kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle kuwaasoo maamulka loo sameeyay gobolka Bay ku tilmaamay mid kasoo horjeestay dastuurka dalka.

Xildhibaannada ay ka mid ahaayeen; Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Cismaan Libaax iyo qaar kale ayaa waxay soo saareen war saxaafadaeed uu saxaafadda u aqriyey xildhibaan Xasan Macallin Xuseen wuxuuna u qornaa  sidan:

‘Soomaaliya waxay ka gudubtay xiligii KMG-ka ahaa,  waxayna yeelatay dastuur Qaran oo federaal ah kaasoo qeexaya qaab-dhismeedka dowliga ah iyo awoodaha dhammaan hay’adaha Qaranka Soomaaliyeed.

Sida uu qeexayo qodobka 48-aad faqradiisa koowaad, ka sokow dowladda dhexe ee federaalka ah, dalku wuxuu yeelanayaa dowlad goboleedyo xubno ka ah dowladda federaalka ah ee jamhuuriyada Soomaaliya.

Sida aad la socotaan 26-kii bishii Juun 2006-dii dowladdii KMG-ka ahayd ee lagu dhisay Mbaghati, dalka Kenya waxay sameysay sharciga dhismaha maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, kaaasoo kaalinta kaliya ee dowladda dhexe ku lahayd uu ahaa mid ku kooban abaabulka iyo isu-keenidda si ay dadka deegaanka u soo xushaan xubnaha golaha deegaanka oo dooranaya madaxda maamulka heer degmo iyo heer gobol.

Haddaba, dadka Soomaaliyeed waxaan si buuxda ugu caddeyneynaa in maamulkii ka dhisnaa gobolka Bay uu ahaa mid ku yimid nidamka doorasho golaha deegaanka sida ku cad sharciga dhismaha maamullada gobollada iyo degmooyinka ee aanu soo xusnay.

Sidaa awgeed; dowlada Soomaaliya waxay qaadatay tallaabooyin khatar ah oo aan sharciga meelna ka waafaqsaneyn, nabadgelyada iyo wadajirka dadka ku nool gobollada dalka dhibaatooyin hor leh u soo kordhinaysa.

Sidaad og-tihiin 04-tii Febraayo 2013 wareegto kasoo baxday madaxda sare ee dowladda oo lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Bay iyo xubnaha waxay kasoo horjeedaa qodobbada 46-aad farqooyinkiisa koowaad, labaad iyo saddexaad iyo qodobka 51-aad faqradiisa afaraad.

Maamulkaas sharci-darrada ah ee wareegtada loogu magacaabay gobolka Bay wuxuu khatar ku yahay bulshada deegaanka maadaama uu meesha ka saarayo maamulkii sida sharciga ah horay loogu soo doortay.

Ugu dambeyn waxay xildhibaannadu ku yiraahdeen warsaxaafadeedkooda ayay ku yiraahdeen, annagoo ah qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Digil iyo Mirifle waxaan madaxda sare ee dalka si sharaf leh uga codsaneynaa inay sharciga dhowraan ummaddana ku ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla’.

Maamulka ay xildhibaanadan sheegeen inuusan ahayn mid sharci ah ayaa waxaa si buuxda loogu dhaariyay dhawaan xilalkooda kaddib markii halkaas tagay guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Sheekh Jawaari si uu soo dhameeyo khilaaf ka taagnaa maamulka.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya