4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Duullimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo muddo kooban hakad loo geliyay arrimo ku saabsan Ammaanka


Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Howlihii garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa hakad la geliyay maanta, kaddib markii uu soo baxay cabsi ammaan oo laga qaaday gaari ay leedahay shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha ee SKA, sida uu sheegay maareeyay duulista hawada ee garoonka. Inj. Cali Maxamuud Ibraahim.

Injineerka ayaa sheegay in maalin walba inta aysan billaabin howlaha ay ku sameeyaan garoonka howlo lagu xaqiijinayo ammaanka, kuwaasoo ay qayb ka qaataan ciidamada nabadsugidda, booliiska, AMISOM iyo kuwa Bancroft, isagoo sheegay in eeyihii baaritaanka sameynayay ay ka shakiyeen booyad wasaqda looga qaado diyaaradaha oo ay leedahay shirkadda SKA.

“Muddo kooban ayaa saakay hakad la geliyay howlihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib markii laga shakiyay gaari ay leedahay SKA oo ah kuwa aan dibadda u bixin, balse eeyihii baarista sameynayay ay ka shakiyeen,” ayuu yiri Inj. Cali oo intaas ku daray in baaris dheeraad ah oo la sameeyay lagu ogaaday inaysan jirin wax khatar ah.

Sidoo kale, maareeyaha duulista ayaa sheegay in howlihii garoonka dib loo furay markii la xaqiijiyay inaysan jirin wax khatar ah, isagoo xusay in eeydu ay ka shakiyeen kiimikada lagu qaso saxarada diyaaradaha.

“Howlihii garoonka diyaaradaha dib ayay u billowdeen, kaddib markii amniga la hubiyay, hakadkii aan sameynayna wuxuu ahaa mid aan ku gudanaynay mas’uuliyadeenna ah inaan badbaadinno dadka kasoo dagaya garoonka iyo diyaaradaha imaanaya,” ayuu yiri Inj. Cali Ibraahim.

Diyaarado kadoo degi lahaa garoonka ayaa la hakiyay markii laga shakiyay in khatar ammaanka ah ay jirto, iyadoo sidoo kalena diyaarado doonayay inay u soo duulaan garoonka lagu wargeliyay iyagoo aan soo dhoofin inay khatari jirto.

Waa markii ugu horreysay oo howlo garoonka diyaaradaha Muqdisho hakad loo geliyo khatar dhinaca ammaanka ah, iyadoo tani ay muujinayso in si aad ah loo ilaaliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya