4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Guddida Baarista Xasuuqyada oo dawladda Soomaaliya ka dalbaday in dib loo aaso dad lagu laayay Xeebta Jasiira

Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha guddiga baadhista Xasuuqii dhacay, Khadar Axmed Like, ayaa ugu baaqay hay’ada Laanqayrta Cas (ICRC) inay ka caawiso siddii dadkii reer Somaliland ee lagu xasuuqay xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho qalfoofkooda dib loogu soo celin lahaa Somaliland, isla markaaana loogu aasi lahaa qaab waafaqsan shareecadda islaamka.

Gudoomiyaha guddigaasi Khadar Axmed Like, ayaa sheegay inay dadkaasi shacab ahaa ee ay xukuumaddii hore ee dawladdii Siyaad Bare xasuuqday ka koobnaayeen 47 qof oo hal mar lagu wada duugay xeebta jasiira sanadkii 1989 kii, kuwaas oo nasiib u helin in loo aaso nidaamka shareecadda islaamku ogoshahay ee dadka dhinta ee muslimka ah loo aaso.

“Sida ummada Soomaaliyeed iyo aduun weynuhuba ka markhaati kacayaan waxa la wada ogyahay dhacdadii xasuuqa ee habeenimo 47 ka nin lagala baxay guryahooda ee lagu xasuuqay kana dhacday xeebta Jaziira ee galbeedka Muqdisho 17/7/ 1989-kii.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay guddidaasi oo codsi u gudbinaya Laanqeynta cas ee aduunka si hawshaasi loogu fududeyn lahaa, waxaana intaas lagu daray “ Iyada oo ragan loo xasuuqay, maxaad waqooyi uga dhalateen, isla markaana si xishmad dari ah loo xabaalay, waxa waajib ina saaran ah in aadamiga dhimasho dabadeed loo aaso sida xaqa uu u leeyahay ee uu inoo tilmaamay Suubanaheenii (SCW). Sidaas darteed, waxaanu hay’adihiina iyo cidda aad la kaashan karaysaanba (ICRC) idinka codsanaynaa inaad gacan Bani’aadminimo naga siisaan sidii aad qolfoofkaasi noogu waydiin lahaydeen dawlada Somalia si aanu ugu aasno si shareecada islaamka loo waafajiyo aaskooda”.

Gudoomiyaha guddiga dabagalka xasuuqa Khadar Axmed Like, ayaa sheegay inay sidaasi ay ka dalbanayaan eheladdii dadkan la laayey, waxaanu xusay inay doonaan inay u aastaan sidii diinta islaamku ogoshahay ee uu xaqa u leeyahay qofka maytidda ahi.

Guddidan ayaa ururisa dhacdooyinkii ka dhanka ahaa bani’aadamnimadda ee dawladdii hore Maxamed Siyaad Bare kula kacday shacabkeedda, isla markaana ay dib u aastaa dadkii aan sida wanaagsan loo aasin, waxaanay kala tashadaan culimadda si ay u tilmamaan qaabka ugu haboon ee diiintu ogoshahay ee dadkaasi loo aasi karo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland