4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Safar ugu Maqnaa Dalka Imaaraadka Carabta oo dib ugu soo laabtay Magaalada Hargeysa

Arbaco, Maarso 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay, ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar shaqo oo shan maalmood qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka carabta.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa, ayaa galabta ka soo degay madaarka Berbera, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Wasiirro, madaxda gobolka iyo degmada Saaxil iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka warbxiyey waxyaalihii ay ka wada hadleen dawladda Imaaraadka Carabta, waxaanu sheegay inay safarkaasi uu ku soo dhamaaday guul, isla markaana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labadda dhinac, isla markaana ay maalgashadaan Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay dawladda Imaaraadka carabta u bandhigeen inay wax kala qabtaan mashaariic kala duwan oo la xidhiidha xaga horumarka sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, wadooyinka iyo adeegyadda kale daruuriga ah.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu si weyn ugu mahad celiyay dawlada Imaaraadka oo uu xusay inay si milgo leh u qaabileen weftigiisii.

Madaxweynuhu intii uu halkaasi joogay waxa uu la kulmay madax ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyadda ee Imaaraadka carabta, Wasiir Ku xigeenka wasaarada Arrimaha dibada Imaaraadka carabta iyo dhaxal suga imaaraadka.

Safarkan madxweynaha waxa ku wehelinayey wasiirka Arrimaha dibadda, Wasiirrada Madaxtooyadda, Wasiir Beeraha, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda, Wasiir Ku xigeenka warfaafinta, Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo marwada koowaad ee Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland