4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2013
Maxkamadda Racfaanka ee Somaliland oo dib u eegis ku sameysay dacwad loo haysto 17 qof oo hore dil loogu xukumay

Arbaco, Maarso 27, 2013 (HOL) — Maxamadda rafcaanka Ciidamadda Militariga, ayaa dib u eegis ku samaynaysa go’aankii maxkamadda hore ugu xukuntay 17 qof oo sanadkii hore soo weerartay xero ciidanka militarig ku leeyihiin bariga magaaladda Hargeysa.

Maxkamadan oo dhagaysatay galdacwadeedkii kiiskan loo haysto eedeesanayaashan maxkamadda hore ku xukuntay dilka iyo xadhiga iskugu jiray, ayaa ku soo gebogabowday jawi degan, iyadoo dib u dhigtay go’aanka maxkamadda dambe oo la soo sari doono bilowga bishan April ee sanadkan.

Inkastoo warbaahinta loo ogoleyn dhagaysiga kiiskan, hadana dadkii ka qaybgalay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay si fiican u socotay dacwaddu, isla markaana ku rajo weyn yihiin in go’aan fiicani ka soo baxo.

Weerarkan ay dablaydani soo qaaday ayaa waxa ku dhintay saddex askari iyo ilaa afar qof oo shacab ah, haseyeeshee madax dhaqameedka 17 kan eedeysane ayaa sheegay inay bixiyeen magtii saddexda askari ee dhacdadaasi ku geeriyooday.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland