4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
XASAN SHEEKH: “Dowladda Somalia waxaa ka go’an in Adeegyada Bulshada ay gaarsiiso dalka oo dhan” (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha waxaa wehelinayay, wasiirka maaliyadda, Maxamud Xasan Suleymaan, wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, Maxamed Nuur Gacal, safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar, Danjire Cumar Sheekh Cali Idiris iyo danjire Cabdulahi Xasan Maxamuud oo ah wakiilka Soomaaliya ee ururka Jaamacadda Carabta.

Amiirka QadarXamad bin Khalifa Al Thani oo shirka furay ayaa sheegay in dowladda Qadar ay ogsoon tahay isbedelka cusub ee Soomaaliya ka dhacay, dowladdiisuna ay taageero buuxda siinayso had iyo goor. Isagoo caalamka Carabta ka dalbaday inay taageero dhan walba ah siiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kusoo bandhigay shirkan qorshaha dowladda ee ku aaddan sidii loo gaarsiin adeegyada bulshada dhammaan gobollada dalka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay inay ka go’an tahay midnimada Soomaaliya iyo in la arko Soomaaliya oo nabad ah.

Mar uu la kalmay madaxa wafdiga, Cumaan Mudane Sayid Fahad Bin Max’ud ayuu madaxweynuhu yiri: “Dowladda cusub ee hadda ka jirta Soomaaliya waxaa ka go’an inay shacabka u adeegto oo ay amniga dalka sugto. Sidaas darteed waxaan xoogga saarnay amniga.”

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa kulammo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalalka Carabta; wuxuuna tilmaan buuxda ka bixinayay sida ay Soomaaliya diyaarka ugu tahay sinnaan, caddaalad iyo nabad waarta.

Kulamada uu madaxweynuhu qaatay ayaa waxaa ka mid ah kulan isaga iyo wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Turkiga, Ahmet Davutoglu dhex-maray, iyadoo wasiirka uu ku ammaanay madaxweynaha horumarka weyn ay dowladda  Soomaaliya gaartay. Waxayna ka wadahadleen qorshaha ay dowladda ku dooneyso inay ku ballaariso adeegyada bulshada.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya