3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Maamulka Khaatumo oo uga digay Somaliland iyo Puntland inay u soo diraan Imtixaanaad Deegaannadooda (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Munaasabad looga hadlay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee maamulka Khaatumo ayaa lagu qabatay magaalada Buuhoodle ee gogolka Cayn, iyadoo halkaas laga sheegay inaanay dhici doonin imtixaanno maamullo kale wadaan in laga qaado ardayda qalin-jebinta u diyaarsan.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha bulshada ee maamulka Khaatumo ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday bahda waxbarashadda, ardayda dhigta dugsiyada sare, waaliddiin iyo dadweyne, iyadoo looga digay Maamulada Somaliland iyo Puntland inay imtixaanaad u soo diraan deegaannada maamulka Khaatumo ka arimiyo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha bulshada, C/fataax Cismaan Dhalac oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in sanad-dugsiyeedkii lasoo dhaafay uu ku ahaa mid si fiican loogu guulaystay imtixaankii u horreeyay ee Khaatumo qaadday, isla markaana shahaadooyinkii ardayda dugsiyada sare intoodii badnayd lasoo gaarsiiyey, midka soo socdana uu k wanaagsanaan doono.

Dhalac wuxuu intaas ku daray inay gobolka Cayn u magcaabeen isu-duwaha wasaaradda arrimaha bulshada, Bashiir Cali Neebi, isagoo xusay in imtixaanaadka shahaadiga ah lagu qaban-doono deegaannada Buuhoodle, Taleex iyo Xuddun.

Guddoomiyaha degmadda Buuhoodle ee Khaatumo, C/casiis Ducaale Qanbi oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Buuhoodle ay diyaar u tahay soo dhaweynta iyo dejinta ardayda ka imaanaysa deegaanada ka baxsan.



Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Yaasiin Axmed Sulub ayaa wuxuu isaguna digniin u soo jeediyay maamullada dhinacyadda ka xiga isagoo intaa ku daray inay imtixaanno u soo diri karin deegannada ay ka taliso Khaatumo.

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay qaar ka mid ah ardayda wax-ka-barata dugsiyada sare ee Buuhoodle waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay galaan imtixaanaadka ay wasaaradda arrimaha bulshadu u diyaarisay, iyagoo halkaas ku jeex-jeexay warqado la sheegay in halkaas ay u soo dirtay wasaaradda waxbarashada Puntland si ay ardaydu u soo buuxiyaan.

Imtixaankan oo ah kii labaad ee maamulka Khaatumo ka qaado ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ayaan la saadaalin karin sida uu ku dhammaan doono, iyadoo sannadkii la soo dhaafay boqolaal arday ah ay ka barakeceen deegaannada maamulka Somaliland ka arrimiyo si ay u galaan imtixaannada maamulka Khaatumo; iyagoo dhinaca deeqaha waxbarsho kaga biyo-diiday maamulka Somaliland.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaannada uu maamulka Khaatumo ayaa si aad ah u hadal-haya ardayda ka baxaysa dugsiyada sare, iyadoo uu meesha ka maqan yahay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha bulshadda ee maamulka Khaatumo, Xasan Cali Aw-Yuusuf oo kalsooni aad u ballaaran ay dadku ku qabeen sida ay ku hadal-hayaan isla markaana ah ruug caddaa magac ku leh wax-barashada.

Ugu dambeyn, waxaa kaloo dadku hadal-hayaan isbedelka wasaaradda arimaha bulshada ee dawladda federaalka Soomaaliya oo aan hubanti ahaan isku halaynteeda iyo xiriirka maamulka Khaatumo oo aan illaa hadda laga hadlin, taasoo mugdi ay uga baqayaan mustaqbalka carruurtooda.





Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool













Click here
3/26/2013 2:35 PM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

3/26/2013 1:28 PM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Hay’adda sirdoonka dalka Itoobiya ayaa Isniintii shalay sheegtay inay xirtay sideed xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuwaasoo doonayay inay afduubaan shaqaale ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay.

3/26/2013 12:59 PM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan labaatameeyo kalena way ku dhaawacmeen kaddib roobab xoog leh oo ka da’ay dalka jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasoo ay sannadihii lasoo dhaafay ka di’in wax roobab ah.

3/26/2013 12:22 PM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayey ergeyga dowladda Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan, ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Putland.

3/26/2013 9:41 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Waxaa maanta la dhaariyay maamulka gobalka Bay iyo kan degmada , kaddib markii la xaliyay khillafkii taagnaa ee qaar ka mid ah xildhibaannadii joogay magaalada Baydhabo ay isku haysteen, iyadoo la magacaabay guddoomiye ku xigeenkii gobalka Bay, kaas oo loo magacaabay, Shiine Macalin Nuurow, iyadoo isla markaasna loo dhaariyay.

3/26/2013 9:12 AM EST
Talaado, 26 Maarso, 2013(HOL) :- Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi uu horkacayay ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoona ra'isul wasaaruhu ay safarkiisa ku wehlinayeen masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka warfaafinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.

3/26/2013 8:50 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Wasiir u dowlihii wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, Maxamuud Ismaaciil Barkhad ayaa si lama filaan ah maanta ugu geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo aan la sheegin qaabka uu u dhintay.

3/26/2013 8:11 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) —Wasiirka wasaarrada Kheyaaradka dalka ee xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo wafdi uu horkacayo oo ka socday wasaarrada caafimaadka ayaa maanta tagay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

3/26/2013 7:24 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Wali waxaa si is daba jooga ah u socnaya gurmadka caafimaad ee loo fidinayo dadka uu soo ritay cudurka shuba-biyoodka ee magaalada Baladweyne kuwaa oo tiradoodo sii korartay.

3/26/2013 7:18 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo dib ugu laabtay galinkii danbe ee maalintii shalay magaalada Baladweyn kadib booqasho dhowr todobaad qaadatay oo uu ku tagay magaalada Muqdisho.

3/26/2013 2:38 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amababaxay maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kaddib markii uu baaqday safar uu shalay ku tegi lahaa degmadaas.

3/26/2013 2:10 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

3/26/2013 2:07 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaasoo uu maanta ka shirka dalalka Jaamacadda Carabta, kaasoo lagu soo qaadi doono arrimaha Soomaaliya.