4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Wasiirrka Kheyraadka Dalka iyo Xubno ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo Maanta booqday magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) —Wasiirka wasaarrada Kheyaaradka dalka ee xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo wafdi uu horkacayo oo ka socday wasaarrada caafimaadka ayaa maanta tagay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Wafdiga wasiirrka waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobollka gobollka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobollka C/fitaax Xassan Afrax iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo uu ka mid ahaa abaanduulaha ciidamada midowgga Africa Jen Cismaan Subaglle.

Wasiirrka oo uu socdaalkiisa ku wehliyay Ducaalle Aadan Max’ed oo ah agaasime waxee ka tirsan wasaarrada caafimaadka dhaqaatiir ayaa ujeedada socdaalkiisa aheyd kormeerka dadka la ildarran cudurka shuba-biyoodka ee lagu daweynayo dulleedka magaalada Baladweyne.

Waxaa ay mid mid u eegeen wasiirrka iyo xubnihii socodaalkiisa ku wehlinayay dadka uu soo ritay cudurka ee jiifa xarumaha sida ku-meel-gaarkaa ah looga dhisay dulleedka magaalada Baladweyne, isaga oo halkaa warbixin kaga dhageystay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo shaqaallaha caafimaadka gacanta ku haya bukaanka.

Waxaa uu ku wareejiyay wasiirrka Kheyraadka dalka mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo howl-wadeenada caafimaadka gobollka deeq dawo ah oo loogu talagalay in lagula tacaalo xaalada caafimaadka ee dadka bukaanka ah, iyadoo qeyb ka mid ah dawada la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

Wasiirrka ayaa sheegay in guud ahaan dowladda federaalka Soomaaliya siweyn uga warqabto xaalada caafimaadka ee dadka la ildarran cudurka, isaga oo intaa ku darray in gurmadka dowladda ay u sameyneyso dadka uusan inta ku ekaan doonin.

Sidoo kale, wasiirrka iyo xubnihii ka socday wasaarrada caafimaadka waxaa ay booqdeen isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo ay dhawaan joojisay howlihii ay ka waday hay’adda MSF Swiss, iyaga oo kulamo kula qaatay gudaha isbitaalka maamulka iyo shaqaallaha oo ay ka dhageysteen warbixin kooban oo la xiriirta xaalada isbitaalka ee xiligan.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya