4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dooxa ee Xarunta Dalka Qatar (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaasoo uu maanta ka shirka dalalka Jaamacadda Carabta, kaasoo lagu soo qaadi doono arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga uu hoggaaminayay madaxweynaha Somalia ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee dalka Qatar kusoo dhaweeyay, Amiirka dalkaas, Amir Hamad Bin Khalifah Al-thani, iyo dhaxal sugaha dalkaas, Sheekh Tamim Bin Hamad Bin Khalifah Al Thani.

Shirkan Jaamacadda Carabta ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa dhibka ka taagan dalka Suuriya, isbedelka Soomaaliya, horumarinta Jaamacadda Carabta iyo arrimaha Falastiin.

Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo noociisa ah ee uu madaxweyne Xasan ka qayb-galo tan iyo markii uu xilka loo doortay dabayaaqadii sannadkii hore.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, kulamo la qaadan doona madax kala duwan oo ka socda dalalka Carabta si uu ugala xaajoodo arrimo ay ka mid yihiin in la xoojiyo xiriirrada dalalkaas iyo Soomaaliya u dhexeeya, ayna gacan ku siiyaan Somalia sidii ay colaadaha uga bixi lahayd.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri: “Madaxweynuhu wuxuu sare u qaaday uuna wanaajiyay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka; taasna waxay ka mid tahay aragtidiisa ku wajahan horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda.”





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya