4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Taliyaha Booliska Somaliland oo sheegay in uu Xabsiga u taxaabay Askar Nin Dhallinyaro ah ku toogtay Magaalada Hargeysa

Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo guute, Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in sharciga la marinayo saddex askari oo loo qabtay dilka wiil dhalinyaro ah oo dhowaan lagu dilay magaaladda Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu sidaas ka sheegay mar uu maanta xog waran ka siinayey xaaladda amniga Somaliland guddida joogtada ah ee golaha Wakiiladda Somaliland oo xafiiskooda ku casuumay.

Sidoo kale, waxa wax laga waydiiyey fal ka dhacay deegaanka Abdaal oo beer nin iibsaday koox hubaysani wax ku yeelaysay agabkii Beerta yaalay.

“Arrinta Beerta, waxaan idiin caddaynayaa in aanay jirin ciidan boolis ah oo wax rasaaseeyay oo wax burburiyey in aanu jirin, laakiin meesha fal wuu ka dhacay, waana la baadhayaa arrintaasi”ayuu yidhi taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal oo wax laga waydiiyey koox dabley ah oo rasaasaysay mishiinkii biyaha ee beer ku taalla meel u dhexeysa Hargeysa iyo Berbera.

Sidoo kale, mar wax laga waydiiiyey wiil dhalinyaro ah oo wakhti habeenimo ah askari ku toogatay magaaladda Hargeysa waxa uu yidhi “Saddexdii askari ee gaystay dilkii iyo dhaawacii Axmed dhagax ka dhacay , nasiib wanaag gacanta ayaa lagu dhigay saddexdaba, saddexdaba sharciga ayaanu horgeynay oo isla shalayba xabsiga dhexe ee Hargeysa ayaa loo gudbiyey, waajibkii naga saarnaana waanu marinay, waana dhacdo dhacday”ayuu yidhi.

Dhowaan bay ahayd wakhti goor habeenimo ah ay askari ku toogtay rag wada socda, waxaana halkaasi ku geeriyooday hal qof, mid kalana waa lagu dhaawacay, waxaanu taliyuhu sheegay in saddexdii askari ee falkaasi ku kacay xabsiga loo taxaabay ciqaabtoona la marinayo, lana baadhayo sababta keentay dilkaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland