4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Munaasabad lagu xusayay Malinta Cudurka Qaaxada (TB-da) ee Adduunka oo lagu qabtay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay maalinta loo asteeyey la-dagaalanka cudurka Qaaxada (TB) ayaa shalay lagu qabtay isbitaalka guud magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Munaasabadadan oo ay kasoo qayb-galeen mas’uuliyiinta caafimaadka gobolka Sool, bahda caafimaadka, ururda dhallinyaradda iyo dadweyne badan ayaa waxaa laga soo jeediyay dhibaatooyinka cudurkani ku hayo bulshadda deegaankan iyo sida loola dagaalami karo.

Agaasimaha Isbitaalka guud ee Laascaanood, Ismaaciil Muuse ciise (Ilka case) ayaa ka warbixiyay sababta loogu aqoonsaday ee loo xuso maalintan oo kale inay tahay fahamka la ogaaday dhibaatadda uu xanuunkani ku hayo bulshadda caalamka; gaar ahaan dunida saddexaad.

Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu ugu baaqay dhallinyaradda inay iyaga yihiin kuwa baraarujinta iyo fahamsiinta dadka in cudurka Qaaxadu yahay wax sahlan haddii la iska daaweeyo loona baahan yahay inay qaybtooda ka qaataan.

Madaxa isbitaalka TB-da, Dr. Cabdi Maxamed Buraale oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay inay sannad kasta maalintan oo kale xusaan la-dagaalanka cudurka khatarta ah ee TB-da, taasoo caalamka oo dhan laga xuso si ay bulshada loo gaarsiiyo macluumaadka la xidhiidha Qaaxada ee soo kordhay mudada sannadka ah.

Dr. Buraale wuxuu xusay in hoos u dhac weyn laga dareemay cudurkan; iyadoo dadka intooda badan si toos ah u qaataan dawada walow badanaa ay dhacdo duruufo dhaqaale oo dadka haysta.

Ku dhawaad boqol dad ah ayaa ku sugan isbitaallada daweynta Qaaxadda ee Laascaanood iyadoo ay jiraan kuwo badan oo dawada maalin kasta u soo doonta, kuwaasoo isugu jira dumar iyo rag. Waxaase weli jira boqolaal dad ah la nool xanuunkan kana xishoonaya inay tagaan meelaha lagu daaweeyo, taasoo u baahan in la barnaamijyo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool