4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidanka Itoobiya, Xildhibaanno iyo Waxgarad

Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maanta kula kulmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay saraakiisha ciidamada Itoobiya, waxgarad iyo xildhibaannadii halkaas horay ugu sugnaa.

Kulamadan oo ka dhacay hoteelka Bakiin oo uu deggen yahay Prof. Jawaari ayaa waxay ahaayeen kuwo ay albaabbadu u xiran yihiin, iyaodo markii ay soo dhamaadeen saxaafadda looga warbixiyay waxyaabihii kasoo baxay.

Prof. Jawaari ayaa la sheegay inuu saraakiisha Itoobiya ka dalbaday inay ka shaqeeyaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegannada ay kaga sugan tahay gobollada Bay iyo Bakool, isagoo sidoo kale ku boorriyay inaysan ka bixin deegaannada ay ku sugan yihiin laga bedelayo.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa warbixinno ka dhageystay xildhibaannada baarlamaanka ee kaga horreeyay degmadaas, kuwaasoo u sheegay inay wax badan uga qabsoomeen howlihii ay halkaas u yimaadeen oo ay ka mid ahaayeen inay xal ka gaaraan muranka dhinaca maamulka ah ee ka jiray degmadaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray Baydhabo Axaddii shalay; halkaasoo ay ku sugnaan doonaan laba maalmood ee soo socota, waxaana safarkooda uu salka ku hayaan xal u helidda khilaafyo dhinaca maamulka ah oo degmdaas ka taagnaa bilihii lasoo dhaafay.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu kulan la yeeshay qaar ka mid ah waxgaradka degmada Baydhabo, isagoo kala hadlay xalaadda ka jirta degmadaas tan iyo markii Al-shabaab laga saaray horraantii sannadkii hore.

Waxgaradka ayaa waxay guddoomiyaha baarlamaanka ku amaaneen sida uu howsha baarlamaanka u wado, waxayna sidoo kale waxgaradka ammaan u soo jeediyeen madaxda dowladda oo ay ku sheegeen kuwo u heellan inay ka shaqeeyaan danta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya