4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Taliyihii Hay’adda Nabadsugida Qaranka Dowladda Soomaaliya oo Maanta ku dhawaaqay inuu Iska Casilay Xilkiisii


Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Taliyihii hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Fiqi ayaa ku dhawaaqay maanta inuu xilkiisii iska casilay, isagoo sheegay inuu go’aanka is casilaaddiisa uu yahay mid uu isagu gaaray.

Fiqi oo wariyeyaasha kula hadlay xarunta hay’adda nabadsugidda ayaa xusay in 22-kii bilood ee uu xilka hayay uu ka shaqeynayay in laga hortago dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda iyo sidoo kale kooxo uu ku sheegay mooryaan  nabadda diiddan.

“Muddadii aan xilka hayay waxaan ka shaqeynayay sidii nabadda dalka looga shaqeyn lahaa, balse dad markaas aan isla joognay waxaa layaab ku ahayd in xilkan loo magacaabo qof shacab ah, balse waan kasoo baxay howshii la ii igmaday,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Sidoo kale, taliyaha iscasilay ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay ku guuleysteen ciidamada nabadsugidda inay gacanta ku soo dhigaan dhowr qof oo ka shaqeynayay falal ammaan-darro ah, kuwaasoo afar ka mid ah isla maanta lagu soo bandhigay xarunta hay’adda nabadsugidda.

“Warqaddii iscasilaaddayda waxaan u gudbiiyay madaxweynaha 24-kii bisha oo shalay ku beegnayd, mana jirin wax cadaasi ah oo la igu saaray inaan iska casilo xilkayga,” ayuu yiri Fiqi oo xusay inuu sii wadayo howlaha u hayo dalka.

Ugu dambeyn, wuxuu tacsi u diray ehelladii iyo qaraabadii ciidamadii ka tirsanaa ha’yadda nabadsugidda ee geeriyooday iyagoo howlaha ku jira howl lagu sugayo ammaanka shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, haya’dda nabadsugidda Qaranka ayaa lagu soo bandhigay afar qof oo la sheegay in lasoo qabtay xalay iyagoo ku gudo-jiray howlo ka dhan ah ammaanka, waxaana mid ka mid ah dadkaas oo saxaafadda la hadlay uu sheegay in lasoo qabtay isagoo bambaano ku tuurayay xarun ay ha’yaddu ku lahayd degmada Wardhiigley.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya