4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Danjire Somalia ee dalka Koonfur Afrika oo Casuumay Siyaasiyiin Soomaali ah oo ku Tababaranaya Dalkaas (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) —
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa casuumaad ugu sameysay gudaha dhismaha Safaaradda dublamaasiyiinta ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya oo ku tababaranaya dugsiga sare ee akadeemiyada dublamaasiyadda ee wasaaradda xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee Koonfur Afrika.

Dhismaha safaaradda oo ku yaalla xaafadda Hatfield ee Pretoria oo ay ku badan yihiin dhismayaasha safaaradaha caalamka ay ku leeyihiin Koonfur Afrika ayaa lagu diyaariyay maqaaxida u gaarka ah cunto dhaqameedka ay Soomaaliya caan ku tahay sida canbuulo-galleey, bun, mashmash, i-cun i calaaji, shushumow, sambuus, xalwo, kac-kac, qaxwo, daan-gawiis iyo moos Soomaali. Waxaa kaloo halkaasi ka muuqday qalabka hiddaha iyo dhaqanka oo ay ka mid ahaayeen koor, tusbax, qulo, barkin qori iyo qudde , iyadoo halkaas dublamaasiyiintu ka quraacdeen, halka qadada ay ka cunteeyeen coloseum hoteel.

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, danjire Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi oo madasha casuumadda oo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay hab-dhaqanka sharfan ee dublamaasiyiinta tababaranaya oo uu ku tilmaamay kuwa sare u qaaday haybadda, sharafta iyo isku xirnaanta Soomaalida.

"Waxaad tusaale wanaagsan u noqoteen ummadda Soomaaliyeed, waxaadna guul u tihiin howsha bilowga leh ee tababarka oo ay soo abaabushay safaaradeenna cusub, waxaan rajeynayaa in tababar kan ka duwan oo lagu tayeynayo aqoonta iyo xirfadaha howl-wadeennada kala duwan ee ka kala tirsan xafiisyada madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka iyo lagu qabto halkan, waxaad tihiin iftiin mustaqbal leh oo Soomaaliya u soo baxay, waxaad inoo soo jiideen wanaag iyo sumcad," ayuu hadalkiisa ku yiri danjiraha.

Waxaa lagu wadaa in 28-ka bishan lasoo af-jaro tababarka heerkiisu sarreeyo oo uu u socdo 21 dublamaasi Soomaaliyeed ah oo muddo sannado ah ka shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliay, waxaana tababarkan uu qayb ka yahay tababarro wasaaradda ay ku horumarinayso habka shaqo ee shaqaalaheeda kala duwan. 











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya