4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Kooxo Bastoolado ku Hubeysan oo markii ugu Horreysay Gabar Wariye ahayd ku Toogtay Magaalada Muqdisho

Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid gabar wariye ahayd oo lagu magacaabi jiray, Raxmo Cabdulqaadir, iyadoo aan la ogeyn kooxaha dilkeeda ka dambeeya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in laba dhallinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay toogteen gabadha, iyadoo kusii socotay gurigeeda, waxayna ka howlgalaysay idaacadda Caabudwaaq oo ku taalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

"Raxmo C/qaadir waxay ka mid ahayd wariyeyaasha ka howgala idaacadda Caabudwaaq, waxayna ka tirsanayd qaybta farsamada waxaana nasoo gaartay in xalay lagu dilay Muqdisho," ayuu yiri Agaasimaha idaacadda Raadiyo Caabudwaaq, C/kariin Axmed Bulxan.

Bulxan ayaa sheegay inaysan ogeyn xilli ay wariyaha soo aadday Muqdisho, isagoo xusay inay aad uga xun yihiin dilak wariyaha ka mid ahayd shaqaalaha idaacadda, ayna tacsi u dirayaan ehellada wariyaha.

Gabadhan ayaa waxay noqonaysaa wariyihii saddexaad oo lagu dilo Muqdisho sannadkan, waxayna sidoo kale noqonaysaa wariyihii labaad oo dumar ah oo lagu dilo Soomaaliya 22-kii sano ee ay colaaduhu ka jireen Soomaaliya, waxaana ka horreysay Duniyo Muxyadiin Nuur oo 25, Juun 2005 lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

"Falkan waa fal aad u fool xun oo wuxuushnimo ah, cambaareyn ayaana uga tuuraynaa ciddi ka dambeysay," ayuu si kulul u yiri xoghayaha guud ee ururka Qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cusmaan oo k usugan dalka Belgium.

Maydka wariyaha ayaa waxaa goobtii lagu dilay ka qaaday ehelladeeda, iyadoo falkan uu imaanayo xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay dadaal u galayso sidii loo sugi lahaa ammaanka saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya