4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo soo Bandhigtay Magacyada laba ruux oo Weerar Ismidaamin ah ka fuliyay Muqdisho

Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Hay’adda nabad-sugidda Qaranka ayaa soo bandhigtay magacyada laba ruux oo weeerarro ismiidaamin ah ka fuliyay toddobaadkii hore magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay kasoo jeedeen gobolka Galguduud.

Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in laba ruux ay fuliyeen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Isniintii lasoo dhaafay lagu weeraray taliyaha hay’adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg ay fuliyeen laba ruux oo midkood magaciisa lagu sheegay Cabdiqani, kaasoo la sheegay inuu kasoo jeeday degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

“Gaariga waxaa lagu soo diyaariyay duleedka Muqdisho, waxaana Muqdisho lagu soo geliyay si dhuumaaleysi ah, iyadoo gaariga ay saarnaayeen laba qof oo ismiidaamiyeyaal ahaa, waxaana ciidamada nabadsugidda ay toogteen darawalkii gaariga markii ay ka shakiyeen, balse waxaa ruuxii kale ayaa si dhaqso ah ku qarxiyay gaariga,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qaraxaas ismiidaaminta ahaa oo ka dhacay illinka hore ee xaruntii Fiyooraha ee Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo isugu jiray askar ka tirsan ciidamada dowladda, arday iyo ruux wariye ah.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka hay’adda nabadsugidda ayaa lagu sheegay in ruux isagana fuliyay qarax lala beegsaday sarkaal ka tisrn nabadsugidda oo ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha lagu magacaabi jiray, C/raxiin Mukhtaar Aadan, kaasoo la sheegay inuu kasoo jeeday degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Weerarka ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku dhintay ruuxii fuliyay ismiidaaminta, waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haween ka ag-dhawaa saldhigga iyo sarkaal haystay saldhig ay booliisku ku leeyihiin suuqa Bakaaraha.

Ugu dambeyn, hay’adda nabadsugiddu waxay warkeeda ku sheegay in askar gaar ah oo ka tirsan nabadsugidda ay u dhaceen habeen hore guri ay ku sugnaayeen sideed qof oo diyaarinayay waxyaabaha qarxa. Iyagoo xusay in ay sii socon doonaan howgallada lagu beegsanayo Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya