4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Wasiirka Gaashaandhigga oo sheegay in qorshaha lagula wareegayo Xudur uu Marayo meel wanaagsan oo gabo-gabo ah


Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Qorshaha lagula wareegay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool wuxuu marayaa meel gabo-gabo, sidaa ayuu ku sheegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi warsaxaafadeed uu maanta kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho.

Magaalada Xudur oo 450-km dhinaca galbeed kaga beegan xarunta Somalia ee Muqdisho ayaa waxaa Axaddii lasoo dhaafay si lama filaan ah uga baxay ciidamadii dowladda iyo kuwii gacanta siinayay ee Itoobiya, taasoo keentay inay dib ula wareegto Al-shabaab.

“Diyaar-garowga loogu jiro dib ula wareegidda degmada Xudur ee gobolka Bakool wuxuu marayaa meel wanaagsan; haddii ALLE idmo dhawaan waan lala wareegi doonnaa kooxda argigixisada,” ayuu yiri Fiqi oo intaas ku daray inay ka go’an tahay inay Al-shabaab ka saaraan dhammaan deegaannada ay dalka uga sugan yihiin.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dadkii ay Al-Shabaab ku dishay gudaha degmada Xudur ee gobolka Bakool; waxaana uu wasiirku tilmaamay in dadkaasi wasaaraddu ay u aar-gudi doonto.

“Maleeshiyooyinka argigixisada ah ee Al-Shabaab xilligan ma hayaan awood ay kaga hor-yimaadaan ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee taageeraya; waxaana u bur-burin doonnaa sidii aynu ugu bur-burinnay gobollo badan oo dalka ka mid ah,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Wasiirka oo sii hadalaya ayaa xusay in howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab aysan joogsan doonin inta guud ahaanba dalka laga sifeynayo oo maamullada gobollada dalka oo dhan ay hoos imaanayaan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu bishaareynayaa in dhawaan ay arki doonaan isbedel guud, dagaalka aan kula jirno Al-shabaab waan soo gaba-gabeyn doonnaa haddii uu Alle idmo; waayo argigixisada waxaad og-tihiin inta gobol ama magaallo ee ay ku sugnaan jireen ee aynu kala wareegnay; waxaana shacabka laga doonayaa inaysan kala bakheylin ciidamada xoogga dalka taageeradooda,” ayuu wasiirka difaacu kusoo gabgabeeyay hadalkiisa.

Dowladda Soomaaliya oo gacan milateri ka hesha ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa dhawaan laga qaaday cunno-qabateyntii hubka ee saarnayd muddada labaatanka sano ka badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya