4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2013
Arday dhiganayay Dugsi Qur’aan oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galguduud

Sabti, Maarso 23, 2013 (HOL) — Labo arday oo dhiganayay dugsi Qur’aan ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ay ku qaraxday walax ay garaaceen sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka Xeraale, Bashiir Daahir Yuusuf.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ardayda dhimatay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen kuwo dhiganayay dugsi qu’raan uuna qaraxu haleelay gellinkii dambe ee maanta, iyagoo gudaha dugsiga ku jirana ay garaaceen walaxda ku qaraxday.

“Walaxda qaraxday waxay ahayd miino,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Xeraale, isagoo intaas ku daray in ardayda dhaawacmay ay laba ka mid ah ay xaaladoodu aad u daran tahay, halka midka kalena uu dhaawiciisu yahay mid fudud.

Sidoo kale, guddoomiyaha deegaanka Xaraale ayaa sheegay in dhaawcyada saddexda cunug loo qaaday degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sii loogu daweeyo, isagoo xusay in dhacadadan ay tahay middii ugu xumayd ee ka dhacda deegaanka.

Guddoomiyaha deegaanka Xeraale, Bashiir Daahir ayaa hay’adaha miino-baarista ka dalbaday inay miinooyin ka baaraan deegaanka, isagoo xusay in la rumeysan yahay in deegaankaas ay ku jiraan miinooyin lagu aasay 1977 oo uu dhagaalkii Itoobiy iyo Soomaaliya.

Deegaanka Xeraale ayaa waxay ka tirsan tahay deegaannada ay Ahlusunna Waljmaaca ka taliso ee ka tirsan gobolkaGalguduud, iyadoo qarax noocan oo kale ah uu sannado ka hor ka dhacay deegaanka Balanballe kaasoo ay ku dhinteen caruur walaalo ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya