4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2013
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Imaaraadka Carabta (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka imaaraadka Carabta, kaddib markii ay mas'uuliyiinta dalka ka heleen casuumaad rasmi ah.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo diyaarad khaas ah loo soo diray, ayaa maanta ka dhoofeen garoonka magaaladda Berbera, waxaanu madaxweynuhu sheegay in ujeedada safarkoodu tahay sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo imaaraadka Carabka, isla markaana casuumad rasmi ah ka heleen Isku tagga -Imaaraadka.

Sidoo kale, waxa madaxweynuhu sheegay in aanu ka qaybgaleen shir la sheegay in madaxda soomaalidda loogu qabanayo Imaaraadka Carabta ka hor inta aan shirka bisha May ee London lagu qabanayo aanay gaadhin.

Madaxweynaha oo la sheegay inuu dhawr maalmood joogi doono dalkaasi, ayaan la garan karin ujeedada rasmiga ah ee loogu casuumay, inkastoo warbaahinta guduhu ay maalmahan qorayeen in imaaraadka Carabka lagu kulansiinayo madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya si loo sii anbo qaado wada hadalkii u socday labadda dhinac, haseyeeshee madaxweynuhu si kooban waxa uu u sheegay inuu imaaraadka u tagayo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labadda dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka Carabta ayaa Somaliland ka fulisay mashaariic ceel biyo ah u badan, waxanay usoo dirtay Riig lagu qodo ceelel, waxaanay imika la filayaa inay mashaariic kale oo xaga horumarka ay kala soo hadli doonaan mudada ay joogaan.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya, wasiirka Arrimaha dibadda, wasiirka Madaxtooyada, wasiirka Beeraha, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, gudoomiyaha xisbiga kulmiye, gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladda, Af hayeenka madaxtooyadda iyo marwadda kowaad Aamino Weris.









Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland