4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2013
Wariye Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beene oo ku Geeriyooday Degmada Gaarisa ee Waqoooyi-bari Dalka Kenya

Sabti, Maarso 23, 2013 (HOL) — Wariye Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beene oo ka mid ahaa wariyeyaashii ka howlgeli jiray warbaahinta dalka, balse sannadihii ugu dambeeyay ku noolaa dalka Kenya ayaa xanuun awgiis xalay ugu geeriyooday magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Suxufigan oo muddo 10-sano ka badan uga soo warramayay wargeyskii Ayaamaha iyo idaacaddii HornAfrik degmada Afgooye ayaa wuxuu dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ku noolaa xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

“Maanta ayaa la doonayay in wariyaha loo qaado magaalada Nairobi si loogu soo daweeyo; balse nasiib-darro xalay gellinkii dambe ayuu xanuuun kusoo booday ug geeriyooday magaalada Gaarisa,” ayuu yiri wariye Amiin Yuusuf Khasaare oo ahaa madaxii wararka ee wargeyskii Ayaamaha oo muddo ay isla soo shaqeeyeen.

Isla maanta ayaa lagu wadaa in wariyaha lagu aaso magaalada Muqdisho, iyadoo wariyahan uu qayb ka noqonayo wariyeyaal fara badan oo dalka uga cararay nabadgalyo-darro basle dalka Kenya ugu geeriyooday xanuuno kala duwan oo lasoo darsay.

“Beene-beene wuxuu qabay xanuunnada sokorta ama macaanka iyo dhiig-karka, waxaana ku yaallay dhaawc, xanuunnadaas is-biirsaday ayaana loo maleynayaa inuu u geeriyooday,” ayuu wariye Amiin hadalkiisa ku daray.

Wariye Beene-beene ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, iyadoo qoyska wariyaha ay ku sugan yihiin xeryaha qoxootiga Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa horay ugu dhintay abwaan Xasan Jacayl oo ka mid ahaa shaqaalihii idaacaddii HornAfrik oo ahayd idaacaddii ugu horreysay ee laga furay Muqdisho xilli ay hoggaamiye kooxeeyadu ka talinayaan Muqdisho.

Suxufiyiin badan oo Soomaali ah ayaa ku nool dalka Kenya, kuwaasoo cabsi awgeed uga cararay magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale oo dalka ah, iyadoo wariyeyaashaas ay dalkaas ku joogaan hab qoxootinimo ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya