4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Gudiga Isboortiga Gobolka J/hoose oo u mahadceliyay xubno ka tirsan Qurba joogta gobolka

Khamiis, 21 Maarso, 2013(HOL) - Gudiga isboortiga gobolka J/hoose oo maanta shir jara’aid ku qabtay xafiiskooda magaalada Kismaayo ayaa u mahadceliyay shaqsiyaad ay sheegeen in ay gacan weyn ka geysteen sidii dib loogu dhisi lahaa Isboortiga gobolka J/hoose.

Gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta ee gobolka J/hoose C/laahi Ducaale Big ayaa si kulul u cambaareeyay warar uu ku sheegay been abuur, kuwaasoo uu xusay in ay faafiyeen qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida islamarkaasina lagu dacaayadeynayo Isboortiga Gobolka iyo dadka gacanta ka geysanaya, wuxuuna u mahadceliyay Cumar Dheere oo ka mid ah qurba joogta gobolka J/hoose oo ay sheegeen in ay ugu deeqay qalab Isboorti oo ay ku wareejiyeen ciyaartooyda degmada Kismaayo.

“Isboortiga gobolka J/hoose oo dhan wax qabiil ah kama jiro, warqado ayaa la qoray anigoo gudoomiyaha xiriirka kubadda Cagta ee gobolka xitaa magaceyga ayaa la isticmaalay, waxaan cadeynayaa in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Mr. big ayaa  ugu baaqay qurba joogta gobolka J/hoose in ay ku daydaan xubnaha qurba joogta ee ku howlan wax u qabadka Isboortiga gobolka, islamarkaasina ay ka fogaadaan waxwalba oo keeni kara kala fogaansho iyo cadaawad.

Sidoo kale gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta ee degmada Kismaayo C/rashiid Max’ed Aadan (FoorFoor) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Isboortigu yahay mid ka qeybqaata isdhexgalka bulshada, islamarkaasina ay mamnuuc ka yihiin qabyaaladda iyo dhamaan wixii keeni kara kala fogaansho.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in uu aad uga xunyahay warar uu ku sheegay been abuur, islamarkaasina uu tilmaamay in ay ahaayeen kuwo lagu waxyeeleynayay sumcadda Isboorita gobolka iyo weliba dadka gacanta ka geysanaya sidii sare loogu qaadi lahaa.

Ugu danbeyn masuuliyiintani ayaa sheegay  in Isboortiga gobolka J/hoose ay wax weyn iska badaleen xilli dhawaan lasoo gabagabeeyay tartan u dhexeeyay kooxaha heerka 1-aad ee gobolka J/hoose, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan tartan ciyaareed dhexmari doona kooxaha kala duwan ee ka dhisan degmada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online.
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.