4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Gobollada Somaliland oo Maanta si weyn looga Xusay Maalinta Biyaha Dunida iyo Qiimaha ay Biyuhu u leeyihiin Nolosha

Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta laga xusay maalinta biyaha aduunka oo si weyn loogu dabaaldegay qiimaha ay leeyihiin biyuhu.

Munaasibad balaadhan oo lagu xusayo maalinta biyaha aduunka, ayaa lagu qabtay garoonka weyn ee beerta xoriyadda ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay wasiirka Beeraha, agaasimaha qorsheynta, wasaarada Macdanta iyo biyaha iyo hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya horumarinta biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, ayaa sheegay in aan biyaha laga maarmi karin, isla markaana biyo la’aani tahay nolol la’aan, waxaanu tilmaamay in la iska kaashado sidii biyo nadiif ah loo heli lahaa.

Wasiirka Beerha Geedoole waxa kale oo uu sheegay in biyaha roobku ay si dhibyar uu dhaafaan dhulka, sidaa darted loo baahan yahay in laga faa’iidaysto  biyahaasi oo loo sameeyo dhaaman lagu xidho si wakhtiga jiilaalka looga manaafacaysto, waxaanu shacabka ugu baaqay in la iska kaashado sidii loo heli lahaa biyo, maadaama oo aanay xukuumaddu awood u lahayn inay meel walba biyo ka hawlgaliso.

Agaasimaha guud ee wasaarada macanta, Tamarta iyo biyaha Ibraamim Maxamed, ayaa sheegay in ay ku guddo jiraan sidii dalka biyo ku filan loogu heli lahaa, gaar ahaan magaaladda Hargeysa oo ka korodhay intay ahaan jirtay ay u qorshaysan tahay in biyo ku filan loo heli lahaa.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in ay hadda gabogabo tahay mashaariic biyaha loogu balaadhinayo oo ay hirgalinayso midowga yurub, kaas oo la doonayo in magaaladda biyo ku filan u heli lahayd.

Si kastaba ha ahaatee, munaasibadan ayey xukuumaddu ku soo bandhigay ceelel ay ka hirgalisay gobolada dalka, isla markaana ay xustay in ay ku guddo jirto balaadhinta sidii biyo nadiif ah loo heli lahaa iyo sidii biyo xidheeno loogu samayn lahaa dalka.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland