4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2013
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo safarkii ugu horeeyay ku tagay Israa’iil isagoo booqan doona Falastiin


Arbaco, Maarso 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tagay dalka Israa’iil tan iyo markii xilka madaxweynimo ee dalkaas loo doortay, isagoo mar labaad ku guuleystay xilkan, waxaana garoonka diyaaradaha Tel Aviv ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo weliba madaxweynaha dalkaas, Shimon Peres.

Obama ayaa horay u sheegay in Israa’iil aysan ahayn saaxiibka ugu weyn ee Mareykanku leeyahay, balse maanta ayuu Tel Aviv ka sheegay in Israa’iil iyo Mareykanka uu ka dhexeeyo xiriir adag. Isagoo intaas ku daray inay tahay in dhulka barakeysan ay nabaddu timaaddo.

Maalinta Khamiista ah ayaa lagu wadaa in Barakac Obama uu safar ku tago magaalada ku taalla daanta galbeed ee Ramallah halkaasoo uu kula kulmi doono madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas.

Wadahadallada uu Obama la yeelanayo hoggaamiyeyaasha Falastiin iyo Israa’iil ayaa u badnaan doona dhinaca nabadda, qalalaasaha ka socda Siiriya iyo weliba bacriminta hubka Nukliyeerka ee dalka Iiraan.

Laakiin saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay aad u yar tahay rajada laga qabo inay dib u furmaan wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.

“Indho furan ayaan ku aragnaa dhibaatooyinka jira, ma lumin doonno aragtida Isaa’iil eek u aaddan inay nabad kula noolaato dariskeeda,” ayuu yiri Obama oo si kooban ula hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, madaxweynaha Mareykanka wuxuu intaas ku daray: “Mareykanka wuxuu garab taagan yahay Israa’iil, waayo waxay aasaas u tahay ammaankeenna waxayna mudan tahay inaan garab istaagno. Israa’iil waa saaxiibkeena dhabta ah, weligeedna way ahaanaysaa."

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa u mahadceliyay Obama isagoo sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay ilaashato madax-bannaanideeda ayna iska difaacdo cadowga kusoo duulaya , ayna jawaabto hanjabaadaha kaga imaanaya dibadda.

Ururka Xamaas ayaa cambaareeyay booqashada madaxweyaha Mareykanka uu ku tagay Israa’iil, iyago ku tilmaamay booqasho lagu yaq-yaqsoodo iyagoo sheegay inaysan dhageysan doono wararka kasoo baxa Obama.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya