4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2013
Ra’iisul Wasaare Shirdoon oo kula kulmay Muqdisho Wafdi uu Hoggaaminayay Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay

Arbaco, Maarso 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho wafdi ka socday Qarammada Midoobay oo uu hoggaaminayay Shamsul Baari oo ah madaxa arrimaha xuquuqul insaanka ee Qaramada, iyadoo kulankaas looga hadlay ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Kulanka kaddib ayaa ra’iisul wasaare Saacid wuxuu la hadlay warfidiyeenka isagoo sheegay in xubnihii Qaramada Midoobay uu hor-dhigay qorshaha ay dowladda Soomaaliya u dajisay ilaalinta xuquuqul insaarka iyo sida ay uga go’an tahay horumarintooda.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in in si simman loo wadaagi doono dhammaan howlaha dowladda, isla markaana ay ku dadaallayaan in la fududeeyo waxqabadka hay’adaha ay sida gaarka ah u quseyso arrimaha Xuquuqul Insaanka, sida dastuurka dalka uu dhigayo.

“Xukuumadda aan madaxda u ahay waxaa ka go’an ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarintooda, waxaana la shaqeyn doonnaa cid walba oo ka shaqeynaysa horumarinta xuquuqda insaanka Soomaaliya,” ayuu u sheegay ra’iisul wasaaruhu suxufiyiintii uu la hadlay.

Intaa kaddib waxaa isna warbaahinta la hadlay Dr. Shamsul Baari ayaa sheegay in kulankii ra’iisul wasaaraha uu la qaatay uu ahaa mid ay ku ogaadeen macluumaad badan oo la xiriira arrimaha xuquuqda aadanaha, isgaoo xusay inuu kulankaas ka helay xog ka badan tii uu raadinayay.

“Waxaa noo muuqata in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay kaalinta uga aaddan ka qaadato ilaalinta xuquuqda aadaanah, waana tallaabo aan si wanaagsan u soo dhaweynayno,” ayuu yiri Shamsul Baari.

Ugu dambeyn, Shamsul Baari wuxuu sheegay in sannadkiiba laba mar ay u gudbiyaan Qaramada Midoobay warbixinno ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Isagoo xusay inay rajeynayaan in sannadka soo socda uu isbedel weyn oo dhinaca xuquuqda aadanaha ah laga dareemo guud ahaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya