4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Fulinta ku doortay kulan ka dhacay Guriceel (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku doortay maanta degmada Guriceel ee gobolka Mudug guddoomiyaha cusub ee golaha talada, kaasoo loo doortay Cabdi Cali Fiidow kaddib shir dhow casho soo socday.

Guddoomiyaha loo doortay golaha fulinta ayaa sheegay in shaqadiisa ugu horreysa ay noqonayso adkeynta ammaanka deegaannada ay ka taliyaan, isagoo xusay inuu halkiisa kasii wadayo howlihii uu hayay guddoomiyihii hore, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo 13-kii bishii hore xanuun awgiis ugu geeriyooday Muqdisho.

“Waxaan xoogga saarayaa sidii ammaanka lagu adkeyn lahaa, waxaana sidoo kale aan dagaal adag la gelin doonaa Al-shabaab oo doonaya inay dalka iyo dadka dhibaateeyaan,” ayuu yiri mas’uulkan cuusb ee golaha fulinta Ahlusunna.

Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljamaaca, Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo goobta cod-bixintu ka dhacday ka hadlay ayaa ku boorriyay mas’uulka cusub inuu naf iyo maal u huro wax u qabashada bulshada ku nool gobollda dhexe ee Soomaaliya.

Doorashadan ayaa waxay ku timid kadidb saddex maalmood oo kulammo kala duwan ay ku lahaayeen mas’uuliyiinta Ahlusunna degmada Guriceel ee gobolka Galguudud.

Ururka Ahlusunna ayaa tani iyo sannadkii 2008 wuxuu dagaallo kula jiray Al-shabaab oo awood badna ku lahayd gobolka Galguduud, waxaana ururkan uu gacan-saar wanaagsan la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya