4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
Wafdi ka socday Ururka Midowga Yurub oo Muqdisho kula kulmay Wasiirro ka tirsan Xukuuumadda Soomaaliya


Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay ku xigeenka xoghayaha guud ee Midowga u qaabilsan howlaha dibadda, Maciej Popowski ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo kulammo la yeeshay wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Popowski ayaa la kulmay wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo mmaanka Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed isagoo kala hadlay arrin ku saabsan horumarinta hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo sidii Midowga Yurub uu gacan uga geysan lahaa howshan.

“Xubnaha Midowga Yurub ee maanta soo booqday Muqdihso waxaan kala hadalnay sidii tababarro loo siin lahaa ciidamada dowladda, sida booliiska, kuwa nabadsugidda iyo milateriga, si ammaanka dalka dib loogu soo celiyo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay markii uu kulanku soo dhammaaday.

Wafdigan ayaa waxay qayb ka noqonayaan wufuud kala duwan oo bilihii lasoo dhaafay soo gaarayay Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in ka badan toban safiir oo dhawaan soo gaaray Muqdisho kuwana wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya warqadahoodii safiirnimo.

“Muhiimadda koowaad ee Midowga Yurub waa Soomaaliya xasisha. Taas waxaan si aad ah ugala shaqeynaynaa Soomaalida iyo Midowga Afrika,” ayuu yiri Popowski oo intaas ku daray: “Taasi waa mid aan dhammaanteen kalsooni ku qabno. Waxaana si tartiib-tartiib ah ku gaaraynaa deggenaasho Soomaaliya kusoo laabta.”

Ururka Midowga Afrika ayaa tan iyo sannadkii 2008 wuxuu Soomaaliya ka taageerayay dhinaca ammaanka. Sidoo kale waxay dhinac dhaqaalaha ka taageeraan ciidamada AMISOM iyo booliiska Soomaaliya. Sidoo kale waxay wadaan barnaamij lagu tababarayo ciidamada milateriga Soomaaliya, kaas oo lagu wado in dhawaan loosoo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya