4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadii Furitaanka Kalfadhigii Labaad ee Baarlamaanka (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay kal-fadhigii labaad ee baarlamaanka Somalia isagoo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay munaasabad loogu talo-galay in lagu furo kalfadhigan.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, guddoomiyaha maxkamadda sare, siyaasiyiin caalami ah iyo fannaaniin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn tacsi u diray xildhibaannadii geeriyooday ee baarlamaanka Soomaaliya, kaddibna wuxuu baarlamaanka ugu hambalyeeyay howlihii ay baarlamaanku qabteen tan iyo markii lasoo xulay, isagoo sheegay inay muujiyeen dadaal dheeraad ah.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda ay ku guuleysatay iinay adkeyso xiriirka kala dhexeeya caalamka, isagoo xusay in dib loosoo celiyay karaamadii ay Soomaaliya ay dunida ku lahayd.

Arrimaha federaalka iyo ammaanka ayuu ka hadlay, isagoo sheegay inay ka go’an tahay dowladda inay federaalka ku baahiso dalka oo dhan sidoo kalena aysan aqbali doonin wax ka horimaanaya dastuurka federaalka, ayna kasoo saari doonaan go’aannno cad-cad sidii loo hirgelin lahaa nidaamka federaalka.

Mar uu ka hadlay ammaanka ayuu sheegay in sugidda ammaanka Muqdisho horumar weyn laga gaaray, sidoo kalena ay ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM ay gobollada dalka ka gaareen horumar la taaban karo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay meel wanaagsan marayso dhismaha ciidamada Soomaaliya isla markaana uu socdo abaabulkii ugu dambeeyay ee lagu soo celinayo awoodda ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay xiriirka Soomnaaliya kala dhexeeya dalalka dariska ah, isagoo soo qaatay xiriirka kala dhexeeya dalka Kenya, isagoo sheegay inay uga mahadceliyay sidii Kenya ay u ixtiraamtay shacabka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool.

Isagoo muujiyay in doorashooyinka Kenya ka dhacaya maalinta Isniinta ah ay kusoo dhamaadaan guul kusoo dhamaadaan iyadoo aysan wax rabshado ah ka dhicin, wuxuuna shacbka Soomaaliyeed ee Kenya ku nool ugu baaqay inay ilaaliyaan shuruucda dalkaas u degsan.














Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya