4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
MADAXWEYNAHA JABUUTI: “Mucaaradku inay Dagaallo sokeeye iyo Rabshado ka abuuraan dalka kama ogolaanayno”

Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay markii ugu horreysay rabshado ka dhashay doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa ee ka dhacay dalkaas, isagoo xusay in dowladdu aysan ogolaan doonin in dhibaatooyin laga buuro magaalada.

Geelle ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay qabteen afar qof lana soo taagayo maxkamad, kuwaasoo uu sheegay inuu ku jiro hoggaamiye ka mid ah mucaaradka oo dhawaan ka yimid qaaradda Yurub.

“Haddii laga kari waayay inay joojiyaan rabshadaha dadweynaha lagu dhibaateynayo dowladda waajib ayaa ka saaran nabadgalyada shacabka, wayna ka hortagtay,” ayuu yiri Geelle oo wareysi siiyay laanteeda afka Soomaaliga ee VOA-da.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Madaxweynaha

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in mucaaradku ay abaabuleen dhibaatooyin ay ku burburiyeen gaadiidka dadweynaha, ardaydii iskuullada looga soo saaray, sidoo kalena masaajidda dadka loo diido, si ay dalka oo dhan dhibaato uga abuuraan.

“Waxay garanayaan mucaaradku inay 10% ay ka heleen doorashada, balse waxay doonayaan inay dadka ka dhaadhiciyaan in laga boobay oo aanay waxba ka helin doorashada. Waxaana loo baahnaa haddii ay cabsho qabaan waxay ahayd inay u gudbiyaan guddiga dastuuriga ah, balse ma ahayn inay dadka dilaan, hantida burburiyaan ama dhibaatooyin kale abuuraan,” ayuu Geelle hadalkiisa ku daray.

Mar la weydiiyay in mucaaradku ay ku andacoonayaan in kuraastii ay heleen aan laga siin baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in sharciga doorashooyinka uu dhigayay in xisbigii aqlabiyadda hela uu qaadanayo 80% kuraasta, halka kuwa kalena ay helayaan inta soo hartay.

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu hadalkiisa ku daray in haddii mucaaradku ay doonayaan inay dagaal sokeeye abuuraan taas ka ogolaan mayno, laakiinse haddii ay doonayaan in xeerka lagu dhaqamo waa inay sugaan go’aanka ugu dambeeya ee guddiga dastuuriga ah oo ku gudo jira howshii ku dhawaaqista codbixinta.

Diidmada mucaaradka ay diideen natiijooyinkii ay heleen doorashooyinka ayuu ku sheegay inay tahay mid Afrika oo dhan lagu yaqaan oo haddii ay kooxi hesho codad yar ay diiddo, haddii ay codad badan hesha ay ogolaato.

Mar la weydiiyay sida uu u arko in kuraasta baarlamaanka Jabuuti qaarkood ay mucaaradka fariistaan ayaa ku jawaabay: “Aniga aya doonaya in kuraas ay muaaradku ku yeeshaan baarlamaanka, aniga ayaa ku qasbay dowladda in la bedelo xeerkii hore. Waayo mucaaradku waxay mucaarad ku yihiin howsha ay xukuumaddu hayso, si aad fikirkaaga u soo bandhigtana waa in aad baarlamaanka soo gasho. Waxaana doonaynaa in mustaqbalka dalka ay qayb ku yeeshaan mucaaradka.”

Sidoo kale, Geelle wuxuu sheegay inay doonayaan mucaarad wadaniyihiin ah oo fikir wax uga bedelaya dalka shacabkana u sheegaya qorshaha ay wataan oo ay xaaladda dalka ay wax uga bedelayaan, balse kuwa waxbaan duminayaa leh, haddii aan dalka ka qaban wayno innagaa dambiilayaal ah.

Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu doonayo inuu mucaaradka ku daro xukuumaddiisa isagoo eegaya danta dalka iyo dadka ayuu yiri, waan ku dari doonaa haddii aan arkay ruux mucaarad ah oo muwaadin ah.

Dhanka kale, waxaa wax laga weydiiyay arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka go’an tahay in awoodooda ay ku caawiyaan xukuumadda iyo shacabka Jabuuti. Madaxda Soomaalidana wuxuu sheegay inay abuureen kalsooni caalami ah.

“Xukuumadda Somalia waxaan kula talinayaa inay xoogga saarto nabadda, dhismahaha goobaha burbursan, in shacabka la siiyo fursado ay maamullo ku sameystaan, iskaashi wanaagsan inay la sameeyaan caalamka oo dhan, Soomaalida dibadaha ku noolna in la siiyo fursadihii ay u baahnaayeen si ay dalka maalgelin ugu sameystaan,” ayuu Geelle kula taliyay dowladda.

Tirada ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya oo la weydiiyay ayuu ku sheegay inay gaarayaan 1000 askari ayna ka howlgalaan Baladweyne oo uu  sheegay inay ka shaqeeyeen nabadda.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay sida uu u arko in howgalka Soomaaliya ay sii wadaan ciidamada AMISOM iyo in lagu bedelo kuwo ka socda Qaramada Midoobay ayuu sheegay inuu ku talinayo in la xoojiyo howlgalka AMISOM, si ay Soomaaliya u gaasiiyaan nabad iyo horumar taam ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya