4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2013
Qarax ka dhacay Magaalada Mandheera oo Dhimasho iyo Dhaawac ay ka soo gaartay Askar ka tirsan Booliiska Kenya

Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Askari ka tisran ciidamada Kenya ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen qarax gellinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi –bari ee dalka Kenya.

Qaraxan ayaa ka dhashay miino waddada dhinaceeda lagu aasay, iyadoo askarta ay khasaaraha kasoo gaartay ay ahaayeen kuwo howlgallo lagu sugayay ammaanka ka sameynayay degmadaas.

“Askari ayaa ku dhintay qaraxa, laba kalena way ku dhaawacmeen, waxaana la dhigay isbitaalka magaalada Mandheera,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Charlton Mureithi.

Sdoo kale, Mureithi wuxuu sheegay in askarta uu qaraxa uu dhacay xilli ay ku jireen ciidamadu rondo lagu ilaalinayay amaanka, wuxuuna mas’uuliyadda qaraxaas dusha ka saaray Xarakada Al-shabaab.

“Weerarkan wuxuu u muuqday mid qorsheysan oo ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaase socda baaritaanno lagu baadi-goobayo kooxihii bamka aasay,” ayuu taliyuhu hadalkiisa raaciyay. Inkastoo Al-shabaab aysan ka hadlin qaraxaas.

Degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya waxay ku taallaa meel ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo khasaarooyin kala duwan geystay.

Tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii 2011 oo ay Kenya ciidammo fara badan u soo dirtay Soomaaliya si ay Al-shabaab ula dagaalamaan ayaa waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo weerarro toos ah oo khasaarooyin ay kasoo gaartay ciiidamada iyo shacabka Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya