4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2013
Ergooyinkii Shirka Maamul u Sameynta Jubbooyinka u Mateli lahayd sadexda Gobol oo Maanta la Magacaabay

Talaado, 19 Maarso, 2013(HOL) - Waxaa gudaha magaalada Kismaayo mudooyinkii u danbeeyay ka soconayay shirkii maamul u sameynta gobollada Jubooyinka, iyadoona shalay ay magaalada sooa gaareen ergo ka socotay gobolka Gedo, kuwaasoo qeyb ka ah xubnaha ka qeybqaadanaya dhismaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Gudoomiyaha Gudiga Farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka C/qani Cabdi Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha xarunta Jaamacadda Kismaayo ayaa ka warbixiyay shirka iyo weliba halka uu marayo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xarunta shirka uu ka soconayo ay kusoo qulqulayaan ergooyin ka kala imanaya gobollada Jubooyinka, wuxuuna xusay in shalay ay shirka kusoo biireen xubno ka socday gobolka Gedo, islamarakasina maalmaha soo socdo la filayo in ay soo gaareen ergo kale oo cusub oo iyaguna ka iman doonta isla gobolka Gedo.

Masuulkani ayaa sheegay in la qeybiyay ergooyinkii matali lahaa degmooyinka iyo gobollada Gedo , J/hoose iyo J/dhexe, isagoona sheegay in sedexda gobol midkiiba la siiyay 120 Ergo, wuxuuna xusay in ergadaasi aan lagu soo xulan qaab qabiil balse lagu soo xushay hab deegaameed.

“Waxaa lakala qeybsaday ilaa 485 Ergo 15-na waxaa laga dhigay Keyd si wixii hadhow soo baxo loogu xalliyo, 485-taa ergo waxaa loo kala qaatay, sedexda gobol, gobol walba waxaa la siiyay 120 Ergo, hadana gobol walba waxaa loogu daray 15-Ergo oo dumar ah,” ayuu yiri masuulkani.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gobolka Gedo la siiyay 30 Kursi oo dheeri ah, taasoo uu sabab uga dhigay gobolka Gedo oo ah gobol baaxad weyn, wuxuuna intaa ku daray in dagmo walba inta la siiyay ay dadkeeda ka fariisan doonaan islamarkaasina ay isaga soo xuli doonaan habkii ay doonaan.

Ergadani laga soo xulay sedexda gobol ayaa la filayaa in ay ansixiyaan axdiga KMG ee la doonayo in lagu maamulo gobollada Jubooyinka islamarkaasina ay u gudbaan dhismaha dowlad goboleedka Jubbaland State.

Xasan Nuur, Hiiraan Online.
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya