4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2013
Koox dabley ah oo khasaare u geystay mashruuc beereed laga hirgaliyay inta u dhexeysa Berbera iyo Hargeysa (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Beer ay maalgashadeen muwaadiniin reer Somaliland, ayaa koox dabley ahi ay habeen hore khasaare weyn soo gaadhsiiyey agabkii beerta yaalay, isla markaana ay burburiyeen konton geed oo Saytuun ah.

Beertan oo ku taala tuuladda Abdaal ee u dhexeysa Berbera iyo Hargeysa, gaar ahaan Buurta Xaawa iyo Aadan, ayaa koox suxufiyiin ahi booqdeen si ay usoo arkaan khasaaraha dhabt ah ee soo gaadhay Beertan, waxaanu khasaare ka soo gaadhay rasaas lagu furay mishiinkii biyaha soo tuurayey ee beerta waraabinayey iyo burbur loo geystay geedadkii ka baxayey beerta, waxa kale oo ka maqan qalab badan oo lagu qodo beerta sida ay noo sheegeen shaqaalaha Beertan.

Shaqaalaha beerta ayaa sheegay in dhawr jeer oo hore la soo wareeray mishiinkana laga qaatay, isla markaana ay dhacdadan lagu rasaaseeyey tahay tii afraad ee loo geysto qalabkii yaalla beerta, waxaanay arrimahaasi oo dhan ku eedeeyeen wasiir ku xigeenka amniga Cabdilaahi ABokor oo ay sheegeen inuu isagu ka dambeeyo fawdadan oo uu soo dirayo raga hawshan wadda.

“Dhacdooyin badan ayaa meesha dhacay,  saddex jeer mishiinkan waa la qaatay oo saldhiga Dacar budhuq ayaa lagu xidhay, oo waanu soo ceshanay, markii afraad waakaas rasaastu ku dhacday oo qalab badana wuu maqan yahay, waxaan ragan soo dira wasiir ku xigeenka amniga Cabdilaahi Abokor,” ayuu yidhi Jaamac Maxamed Cumar oo ka mid ah shaqaalaha Beertan oo warbaahinta u waramayey.

“Waxay habeen hore noo yimaadeen afartii habeenimo, waxaana halkan anagoo hurudna noogu yimid shan nin oo qoryo nagu qabtay, shantaasi nin afarta dhinac ayey nagaga istaageen, waxay siteen laba qori oo faal ah iyo baastoolad, kuwii kalana mishiinkii bay usoo dhaqaaqeen oo ay toogteen, ka dibna way iska tageen, dhirtii beerta ka baxaysay oo ahaa Saytuun way jarjareen ilaa konton geed”ayuu yidhi Jaamac, waxaanu sheegay in aanu garaneyn sababta ay ragani dhibaatadaasi u geysteen maadaama oo dadkii dhulkan lahaa laga iibsaday.

Mishiinkan waxa ku dhacay saddex xabadood oo meelo kala duwan ah, taas oo gabi ahaanba mishiinkii ka dhigtay mid aan shaqayneyn, waxaane shaqaaluhu noo sheegeen uu yimid taliyaha booliska Abdaal kaas oo urursaday rasaastii ay siteen, isla markaana ku jiray sidii ay usoo heli lahaayeen kooxdaasi oo baadhitaan ku wadda.

Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha Beertan ayaa ka cabanaya kooxdaasi oo dhawr jeer oo hore soo weeraray, isla markaana hagar daamooyin ku haya inay shaqayso beertu, waxa kale oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino wasiir ku xigeenka amniga Cabdilaahi Abokor, haseyeeshee way noo suurtogali wayday in aanu helno.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland