4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2013
Kooxo Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo Dilay Imaamkii Masjidka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay gurigsiisa kala baxay, Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Warsame oo 75-jir ahaa, isla markaana ahaa imaamkii masjidka weyn ee degmadaas, iyadoo maydkiisa oo qoorta laga jaray saakay laga helay god ku dhow gurigiisa.

Wararka laga helayo degmada Xudur ayaa waxay sheegayaan in sidoo kale ay Al-shabaab xabsiga degmada xudur ku xirxireen 10 ruux oo ka mid ah dadka deegaanka kuwaasoo ay laba ka mid ah yihiin haween.

“Sheekha waxaa gurigiisa laga baxay xalay saqdii dhexe, waxaana laga jaray qoorta, iyadoo maydkiisa lagu riday god ku dhow gurigiisa, taasoo cabsi weyn gelisay dadka deegaanka,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Xudur oo la hadlay HOL.

Goobjoogahan oo sababo ammaan awgood u qariyay magaciisa ayaa intaas ku daray in arrintan ay aad uga naxisay dadka deegaanka oo aad tiradoodu u yar tahay, iyadoo saraakiisha Al-shabaab aysan ka hadlin dhacada naxdinta leh ee ka dhacay degmadaas.

Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegtay degmada Xudur maalin ka hor markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwii ay gacanta ka helayeen ee Itoobiya.

Lama oga sababta keentay in Al-shabaab ay gowracaan Sheekhan, balse wararka ayaa waxay sheegayaan in Sheekhu uu dadka deegaanka u kala xumin jiray dacwooyinka ay isku haystaan, isagoo xukunkiisa ku saleynaya diinta Islaamka.

Tallaabadan ayaa waxay si weyn uga horimaanaysaa hadal ay saraakiisha Al-shabaab ka jeediyeen degmada Xudur maalintii ay galeen, taasoo ahayd inay dadku dib ugu soo laabtaan, iyagoo sheegay inaysan jirin cid dhibaato loo geysanayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya