4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2013
Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo Maanta si weyn loogu soo Dhaweeyay Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM, odayaal dhaqameed, waxgarad, iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kooban qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin ardeyda wax ka barata dugsiyada iyo jaamacada magaalada ayaa maanta siweyn u soo dhaweeyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo dib ugu laabtay afar sano kaddib magaalada Baladweyne.

Ugaaska ayaa markii uu ka soo dagay diyaaradii siday waxaa mar kaliya ku xoomay si ay u gacan qaadaan dadkii ku sugayay garoonka oo qaarkood la arkayay iyaga oo kor u sida Ugaaska oo mid mid u gacan qaaday dadkii soo dhaweeyay.

Waxaa loo soo galbiyay bartamaha magalada isaga oo kula hadllay qeybihii bulshada iyo mas’uuliyiintii soo dhaweysay goob loo sii diyaariyay, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dhowr sano kadib in uu dib ugu laabtay magaalada Baladweyne.

Ugaaska ayaa si gaar ah amaan ugu jeediyay maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM oo sida uu sheegay wax badan ka qabtay amniga magaalada.

Hadalka Ugaaska oo ahaa mid kooban ayaa u badnaa duco iyo waliba in dardaaran la xiriira in laga wada shaqeeyo nabad-galyada, isaga oo sheegay in kulamo badan wada qaadan doonaan qeybaha bulshada maalmaha soo socda.

Dhamaan dhinacyadii ka qeyb-qaadatay soo dhaweynta Ugaaska oo ay ku jiraan saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ka hadashay madasha waxaa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin dib u soo laabashada Ugaas oo wax weyn ka darri doonta sida ay sheegeen nabad-galyada guud ahaan gobollka Hiiraan.

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa uu Ugaasku ku noolaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo halkaa si joogta ah ugala socday hadba halka ay mareyso xaalada gobollka, waxaana uu marar badan ka qeyb-galay isaga oo ku sugan magaalada Nairobi kulamo iyo shirar salka ku haya nabada iyo hormarinta adeegyada bulshada gobollka.








C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya